Biixi oo galaya safaradii ugu halista badnaa ee uu galo tan iyo doorashadiisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in maalmaha fooda nagu soo heysa uu gaaro degaanada maamulka ee  colaadu ka jirto.

Muuse Biixi, ayaa safarkiisa ugu horeeya ugu bixi doona magalada Burco, waxa uuna isku mari doonaa ilaa Seddex deegaan oo ay ka jiraan colaado uu dhiig ku daatay.

Biixi ayaa deegaanada ay colaadu ka jiraan ku gaari doona safar dhinaca dhulka ah, waxaana ku wehlin doona mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee uu ka kooban yahay maamulka.

Illo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in safarka Hoggaamiyaha uu qaadan doono maalmo kooban.

Deegaanada la filaayo inuu ku nagaado ayaa waxaa kamid ah deegaanka Ceel-afweyn oo ay weli ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa laba beelood oo dagaal uu dhexmaray.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Hoggaamiye Biixi uu socdaal qarsoodi ah ku tagi doono qeybo kamid ah Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamada ciidamada Somaliland iyo Puntland, waxa uuna ka booqan doonaa qeybaha ay ku sugan yihiin ciidamada maamulkiisa, sida aan xogta ku heleyno.

Sidoo kale, wafdi hordhac u ah safarka Hoggaamiye Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inay gaaran deegaanada uu ku wajahan yahay Hoggaamiyaha.

Safarka Biixi ee deegaanada ay colaada ka jirto ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu ku baxo tan iyo markii loo dhaariyay xilka.

Dhinaca kale, Safarka Biixi ee deegaanada ay colaadu ka jirto ayaa noqonaaya kan ugu halista badan, waxaana xusid mudan in walwal laga qabo socdaalkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com