Mucaaradka Somaliland sidee u arkaan go’aanka DF ku maamuleyso hawada?

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo ay Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ay shaaca ka qaaday in maamulka Hawada Somalia si toosa loogu wareejiyay DFS, ayaa waxaa taasi ka hor imaaday Xisbiyada mucaaradka maamulka Somaliland.

Go’aanka ay Hay’adda ICAO Dowlada Somalia ugu wareejisay Hawada ayaa waxaa qaadacay Guddoomiyayaasha Xisbiyada mucaaradka UCID iyo Waddani ee maamulka Somaliland.

Guddoomiyayaasha ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin in Hawada Somalia laga maamulo magaalada Muqdisho, waxa ayna arrin khaldan ku tilmaameen go’aanka ICAO.

Xisbiyada ayaa sheegay in go’aanka ICAO uu ka dhigan yahay in Somaliland laga maamulo magaalada Xamar, waxa ayna Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ay ku tilmaameen mid ku fashilmay Siyaasada gooni isu taaga Somaliland.

Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaradka ah ee UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa isna sheegay in maamulka Muuse Biixi uu luminaayo Siyaasada Somaliland ay ku hiigsan laheyd gooni isutaaga.

Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay aad uga soo horjeedan go’aanka ICAO, waxa uuna Biixi ugu baaqay inuu qaado talaabo ama uu xilka baneeyo.

Sidoo kale, hay’adda ICAO ayey ku eedeeyen inay ku degdegtay go’aanka ay Hawada ugu wareejiyeen Dowlada Somalia.

Haddalka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay hay’adda ICAO soo idleysay qorshaha hawadda loogu wareejin lahaa Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com