Mahad Salad oo sawir 2016 ahaa soo bandhigay kadibna ku weeraray FARMAAJO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu yahay “dagaal-ooge soo daahay.”

Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada aan taageersaneyn siyaasadda Villa Somalia ayaa qoraalkiisa ku xasuusiyay madaxweyne Farmaajo in sanadkii 2016 ay qabsan jireen taageerayaashiisa banaan-baxyo aan cidina qolo gaar ah ugu leexin, ayaga oo welia hubeysan.

Qoraalkiisa oo uu la socda sawir 2016 ah ayuu ku sheegay xildhibaanka sidoo kale in Gen. Caanood oo ay qaraabo yahiin madaxweynaha inuu sugayay amnigiisa, sidaas darteedna aysan cidina u leexin qabiil gaar ah.

Sidoo kale Mahad Salaad wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Farmaajo uu hadda banaan-baxyada jira ku sifeeyay qaab qabiil, wuxuuna qoraalkiisa kusoo dhameeyay in Farmaajo yahay Dagaal-ooge soo daahay, isla markaana ka shisheeyo kaligitaliye.

QORAALKA MAHAD SALAAD HALKAAN KA AKHRISO:

FARMAAJO WAA DAGAAL-OOGE SOO DAAHAY

Farmaajo shalay isagoo Baasuuke iyo BKM sita ayuu sidaan u bannaanbixi jiray 2016-kii.

Cabdi Billeyaal tuuteysan oo Gen. Caanood ilmo adeer yihiin uu watana waa waardiyeen jireen. Cid qabiil habel ayaad tahay ama qoriga maxaad u sidataa tirina majirto.

Farmaajo maanta wuxuu leeyahay qabiil ayaad tihiin, Bastoolad ma qaadan kartaan, bannaambaxna ma qaban kartaan. Kaligitaliye intaan waa ka caqli badanyahay ee Farmaajo waa DAGAAL-OOGE SOO DAAHAY

Hon. Mahad Salad