DF oo ciidamo hor leh ka dejisay GEDO iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku daabushay ciidamo hore leh, xili ay weli taagan tahay xiisada kala dhaxeysa maamulka Jubbaland.

Ciidamada laga dejiyay Gedo ayaa lasoo warinayaa inay iskugu jiraan Millateri iyo qaar kamid ah Koofiya casta madaxtooyada, kuwaasi oo ku hubeysan hubka fudud iyo gadiidka dagaalka.

Waxa hogaaminayo ciidamada laga dejiyay Gedo taliye lagu magacaabo Liibaan Xasan Cali, sida ay ilo xogogaal ah u sheegen warbaahinta gudaha.

Arrintan ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dab kusii qabaneysa xiisada ka taagan gobolkaas ee kala dhaxeysa maamulka Jubbaland oo hore u dalbaday in ciidamada dowladda ee ku sugan laga saaro.

Dowladda federaalka ayaa iyadu weli kusii madax adeygaysa gacan ku haynta gobolkaas, iyada oo ciidamada dambe ay uga dari karaan xaalka gobolka, maadama ay Jubbaland iclaamisay is difaac dagaal oo ka dhan ah dowladda federaalka.

Xiisada Gedo ayaa dhowr jeer oo hore laga soo saaray baaqyo nabadeed, hase yeeshe waxa markasta fashil kusoo gaba-gabooba dejinta xiisadaas oo uu wada-hadalkeeda shuruud uga dhigay madaxweynaha Jubbaland saarista ciidamada dowladda.

Waxa kale oo xiisadan qeyb ka noqoneysa carqaladaha ku gadaaman in doorashada soo socota ay ku qabsoomto waqtigeeda, xili ay mucaaridku qaadaceen guddiga doorashooyinka ee lagu muransan-yahay oo xaalad cakiran ka abuurtay dalka.