Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru oo la kulan siiyey

Jabuuti (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jabuuti ayaan sheegaya in ay isa soo hor fariisteen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta oo halkaas ku wada sugan.

Labada madaxweyne ayaa waxaa isu keenay oo kulankooda goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo isku dayaya inay xaliyaan xiisadda ka dhex oogan.

Kulanka ay Abiy iyo Geellee isugu keeneen labada Madaxweyne ayaa lagu dhex dhexaadinayaa khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal, kadib markii ay Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya, kuna eedeysay faro-gelin.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in kulankan uu hordhac u yahay kulan guud oo goordhow dhex mari doona dhammaan madaxda IGAD.

Ujeedka kulanka kooban ee Farmaajo iyo Uhuru ayaa ah habsami u socodka shirka guud ee Madaxda IGAD dhex maraya in aanu saameyn khudbadaha xasaasiga ah ee ay jeedinayaan labada Madaxweyne.

Dowladda federaalka ayaa dhowaan dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay IGAD, taasi oo ka dhigeysa in ajendaha shirka madaxda ku bahoobay uu qeyb ka noqonayo xiisada ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale, kahor kulankaas ayaa kulan gaar ah waxa uu dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ku wada sugnaa dalkaas.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxa looga wada-hadlay xaaladada gobolka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee labada dal, sida ay sheegen ilo xogogaal ah.

Abiy iyo Farmaajo oo uu ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo qoto dheer ayaa waxa lasoo warinayaa inay sidoo kale ka wada-hadleen dagaalka Tigreyga iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dalalka IGAD.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la wadaagay Abiy cabashada ay ka qabaan dowladda Kenya, oo Soomaaliya ay xiriirka u jartay.