Lafta-gareen oo u muuqda inuu beddelayo mowqif siyaasadeedkiisii hore

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa ka hadlay khilaafka madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ee la xiriirta xiisada ka taagan gobolka Gedo.

Lafta-gareen oo muddo ahaa saaxiibka ugu dhow ee Villa Somalia, marka ay noqoto madax goboleedyada, islamarkaana ku raaca wax kasta, ayaa muujiyey isbeddel dhex-dhexaadnimo iyo inuu doonayo inuu xaliyo khilaafka jira.

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sheegay in uu door weyn ka qaadan doono dejinta xiisadaas, isagoona xusay in madaxweyne Axmed Madoobe uu kala shaqeyn doono sidii ay Jubbaland ugu soo noqon laheyd sideedii hore, taasi oo ka dhigan in Gedo dib loogu celiyo maamulka Jubbaland.

“Waa kala shaqeynayaa nabadda iyo sidii Jubbaland teedi ku soo noqon laheyd, dadkaas walaalaha ahna nabad ku wada noolaan lahaayeen, uma baahna maanta dad walaala ah oo xabad isku ridaya oo la yiraahdo ciidan baa soo socda” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxa uu intaas kusii daray “Intii hore ayaa nagu filan, waxaan jecelnahay inay nala qaadan doonaan, anaga reer Koonfur Galbeed ahaan ayaa isku xilqaami doona”.

Hadalka Lafta-Gareen ayaa u muuqda mid uu ku beer laxawsanayo madaxweyne Axmed Madoobe oo meel adag iska taagay xiisada gobolka Gedo, oo gacanta ku hayaan ciidamo ay geysay dowladda federaalka ee hogaanka u hayo madaxweyne Farmaajo.

Jubbaland ayaa shalay soo saartay qoraal ay ku sheetay in markan ay diyaar u tahay inay is-difaacdo ayada oo ku eedeysay madaxweyne Farmaajo iyo NISA inay colaad ka hurinayaan gobolka.

“Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay aad uga xuntahay xaaladda murugsan ee muddada dheer ka jirtay gobolka Gedo, taasoo cadeyneysa in Madaxweynaha Soomaaliya iyo hay’adda Nabad sugidda oo isticmaalaya magaca Qaranka Soomaaliyeed iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed in ay colaad kaga abuureen gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, arrintaas oo muddo sanad ah taagneyd,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubaland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay iska indho tirtay go’aano is-daba joog ah oo ay beesha caalamka kasoo saareen, oo loogu baaqayey inay qaboojiyaan xiisadda gobolka, iyadoona xustay in cawaaqib xumada ka dhalata xaaladaas ay mas’uuliyadeeda dusha ka saaran tahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee waqtigiisu dhammaadka yahay.

Xiisada ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa xiligan mareysa meeshii u sareysay, xili ay muddo kooban ka harsan tahay doorashooyinka dalka oo xaalad cakiran ka abuurtay Soomaaliya.