Malabsade iyo ‘xaasaskiisii’ beenta ahaa oo lasoo xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska gobalka Banaadir ayaa soo qabtay wiil dhallinyaro ah oo loo garan ogyahay Malabsade, kaasi oo baraha bulshada kasoo muuqday isaga iyo saddex gabdhood oo sheegay in ay is xaaskiisa yihiin, islamarkaana ay ku nool yihiin hal guri. 

Taliska qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir ayaa bixiyay amarka lagu soo qabtay wiilkaan iyo gabdhihii la sameeyay sheekada beenta ah, waxaana la sheegay in la baarayo. 

Mid ka mid ah Telefishinada Soomaalida ayaa baahiyay muuqaalka Malabsade oo sheegay been ah in uu qabo saddexda gabdhood islamarkaana ay ku nool laba qol, iyadoo saacado kadib baahinta warkaas ay been noqotay sheekadii. 

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa aad isu weydiiyay sababta keentay beenta ay sheegeen, hase yeeshee markale oo la wareestay waxay sababtu ku sheegeen in ay rabeen in ay caan noqdaan. 

Inkastoo booliska Soomaaliya uu qaaday talaabadaan, haddana Muqdisho waxaa ka jira dhacdooyin kale oo waa weyn, kuwaas oo xadgudub ku ah dhaqanka iyo diinta Islaamka waxaana dowladda lagu eedeeyaa in aysan waxba ka qaban arimahaas. 

Ma cadda tallaabada ay dowladda ka qaadi doonto Malabsade iyo “xaasaskiisa” beenta ahaa.