KENYA oo la timid qorshe yaab leh oo ay dacwadda badda dib ugu dhigeyso

Nairobi (Caasimada Online ) – Xukuumadda Nairobi ayaa war cusub kasoo saartay dhageysiga dacwadda badda ee kala dhexeyso Soomaaliya, taas oo haatan hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan ICJ.

Kenya ayaa qortay codsi cusub oo ay ku dooneyso in markii afaraad dib loogu dhigo kiiskaasi oo muddo soo jiitamayey, sida uu shaaciyey Wargayska caanka ah ee Daily Nation.

Wargeyska ayaa sidoo kale daabacay in ay Kenya marka hore damacsan tahay inay u doodo dhul dhinaca bariga ah oo ay sheegeneyso  inuu ka maqanyahay, si loo xalliyo.

Xukuumadda Nairobi oo soo bandhigtay khariirad ay ku sheegtay in dhinaca bariga uu dhul kaga maqanyahay gudaha Soomaaliya ayaa qorshaheedu waxa uu yahay in marka hore arrintaas ay xalliyaan labada dowladood, kadibna la guda galo kiiska Badda ee ICJ.

Dalbkan kasoo baxay dowladda dalka Kenya ayaa kusoo aadaya, iyada oo dhageysiga dacwaddan loo ballansanyahay 15-ka bisha soo socota March ee sanadkan 2021-ka.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo la bedalay hoggaankii maxkamada ee Soomaaliga ahaa Cabdiqawi Axmed Yuusuf, inkastoo weli uu ka mid yahay sagaalka Garsoore ee ka howl-galaya maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda adduunka ICJ.