DF oo jawaab ka bixisay qorshaha ay Kenya dib ugu dhigeyso dacwadda badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay kiiska badda ee horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka, kadib markii ay Kenya dalbatay in markii afaraad loogu dhigo.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in marnaba dowladda federaalka aysan aqbali doonin in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda biyaha ee kala dhexeysa Kenya. “Soomaaliya ma aqbaleyso dib u dhigis dambe oo afaraad iyo shanaad ah,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii markale dib loo dhigo kiiskan inuu dhabarjab weyn ku noqonayo cadaaladda adduunka, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrinta dib u dhigista dacwadaha oo markii afaraad la rabo in dib loo dhigo oo aan saaka diidnay waxay dhabarjab ku tahay cadaalladda adduunka,” ayuu sii raaciyey.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay warqad u dirtay maxkamadda ICJ, islamarkaana ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwaddaasi.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saaka oo Khamiis ah 11-ka February, 2021-ka waxay maxkamadda cadaaladda dunida ICJ oo xarunteedu tahay Hague ee dalka Netherlanday u qortay warqad ay ku sheegeyso Soomaaliya inay diyaar u tahay in ay ka qeyb-gasho dacwadda oo la muddeeyey dhowr isbuuc kadib 15-ka Maarso, 2021-ka,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah e Soomaaliya.

Hadalkan kulul ee kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay Kenya ka dalbadatay maxkamadda ICJ in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda oo la muddeeyey 15-ka bisha soo socota ee March, waxaana haatan xukuumadda Nairobi ay ku doodeysaa in dhul dhinaca bariga ah uu kaga maqan-yahay gudaha Somalia.