Jubaland oo war cusub ka soo saartay is-mari waaga ka taagan doorashada dalka

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa guddoomiyey shirka golaha wasiirada maamulkaasi ay yeesheen oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka oo weli la isku-mari la’ yahay.

Jubaland ayaa qeyb ka ah caqabadaha ugu weyn ee doorasho ay u dhici la’dahay ayada oo madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe iyo madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya Farmaajo ay isku hayaan gobolka Gedo.

Si kastaba, kulankii golaha wasiirada ee maanta ay Jubaland ku sheegtay inay maamulka uu sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan.

Ma cadda xilliga doorashada heshiis laga gaari doono, waxayna aheyd shalay un markii Jubaland ay diiday shir uu soo jeediyey Farmaajo uu ka dhaco Garoowe, kuna baaqday in lagu qabto Muqdisho.

Qoraal ay shalay soo saartay Jubaland ayaa lagu yiri “Dowlada Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo. Dowlada Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo.”

Dhinaca kale, wasiirada Jubaland ayaa maanta sidoo meel mariyay sadex xeer oo ay soo gudbisay wasaaradda ganacsiga kuwaas oo kala ah.

1. Xeerka maalgashiga Jubaland
2. Xeerka shatiyada Jubalan
3. Xeerka Shirkadaha Jubaland