Maleeshiyaad la wareegay garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad beeleed ay la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.

Maleeshiyaadkan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa gudaha u galay garoonka, waxayna joojiyeen shaqadii ka socotay halkaas iyo duulimaayadya garoonka Caabudwaaq.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka qabsaday garoonka ay ka soo horjeedaan habka loo qeybiyay xubnaha golaha deegaanka degmada Cabudwaaq oo haatan qaarkood lasoo doortay, waxaana maleeshiyaadka ay ku doodeen in aan weli lasiin saamigii ay lahaayeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka ay dib usoo celiyaan diyaarad sidday mas’uuliyiin iyo sidoo kale odayaal ku sii jeeday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad kacsan.

Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale wacad ku maray in aysan furin doonin garoonka, ilaa laga xaliyo tabashadooda ku aadan dhismaha golaha deegaanka degmada Caabudwaaq.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo sidoo kale madaxda sare ee dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan xiisadda ka taagan halkaasi.

Si kastaba, maamlmihii u dambeeyey ayaa waxaa degmada Cabudwaaq ka taagneyd cabasho la xiriirta dhismaha golaha deegaanka, taas oo timid markii lakala diray maamulkii degmada Cabudwaaq, kadib amar kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.