Madaxweyne Saciid DENI: Waxaa la rabaa in ay meesha ka baxaan DAMUL-JADIID

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan Nairobi ayaa ku dhowaaqay tallaabo lama filaan ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan siiyaasadda ku dhisan is kooxeysiga.

Deni oo khudbad ka jeediyey kulan ka dhacay magaaladaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo horumarinta dowladnimada oo heerer kala duwan soo martay.

Madaxweynaha Puntland ayaa carabka ku adkeeyey inay haboon tahay in laga gudbo siyaasadda ku dhisan kooxeysiga, isaga oo tusaale usoo qaatay kooxda Damul-Jadiid oo haatan heysa talada dalka, islamarkaana uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh

“Waxaa la rabaa in ay meesha ka baxaan Dam-jadiid iyo dam-fulaan,” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu isagu si gaar ah uga shaqeyn doono sidii looga gudbi lahaa arrimahaasi, islamarkaana uu dhaqan-galkeeda ka bilaabi doono Puntland.

“Dowladnimada in aan dadka ku celino rabnaa anigaa bilaabaya waadna arki doontaan” ayuu markale yiri madaxweyne Saciid Deni oo shaaciyey inay ka go’an tahay in isbeddal laga sameeyo dowladnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa waxaa ka dhashay facelin xoogan oo qabsatay baraha bulshada, waxayna dad badan ay tilmaameen in isaguba Deni uu ka dhisay Puntland koox loogu magac daray Aaran Jaan, kuwaas oo u badan xubno u dhow isaga oo ku jiro xeyndaabka madaxtooyada.

Si kastaba, arrintaan ayaa sidoo kale muujineyso inay sii kala fogaadeen Deni iyo Xasan Sheekh oo uu mad-madow soo kala dhex-galay kadib soo magacaabistii ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo uu ka xumaaday hoggaamiyaha Puntland oo isagu doonayey xilkaas.