Maleeshiyaad weli ku jira Hoteel Naasa-Hablood 2 iyo wararkii u dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday Hoteel Naasa-Hablood Two, oo ku yaalla Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.

Gudaha Hoteelka ayaa waxaa laga dhexmaqlayaa rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayaan maleeshiyaadka ka dhex dagaalameysa gudaha Hoteelka iyo ciidamo ka tirsan dowlada oo ku hareereysan Hoteelka.

Ciidamada ku hareereysan Hoteelka ayaa la sheegayaa in laga soo rasaaseynaayo dariishadaha Hoteelka, waxaana xusid mudan in maleeshiyaadka ay leyrarka u dansadeen Hoteelka.

Cumar Cabdiraxmaan oo kamid ah Saraakiisha ku sugan goobta ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadka ay ka dhex dagaalamayaan Hoteelka, isla markaana ay dansadeen leyrarka Hoteelka si aan loogu gurman dadka lagu dhex heysto Hoteelka.

Sarkaalkan ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay dariishadaha Hoteelka kasoo tuurayaan Bam gacmeed, waxa uuna xaqiijiyay in ciidamada dowlada ay ku adkaaneyso inay galaan Hoteelka maadaama uu mugdi yahay gabi ahaan Hoteelka.

Waxa uu sarkaalkan sheegay in gudaha Hoteelka laga maqlaayo dhawaqa dad loo badinaayo inay yihiin kuwa lagu dhex heysto Hoteelka, hase yeeshee aysan qaadi karin talaabo cad maadaama Hoteelku yahay mugdi isla markaana ay maleeshiyadu tuureyso Bam gacmeedyo iyo rasaas aan loo meel dayin.

Ciidamada amaanka oo ku hareereysan Hoteelka ayaa dadaal ku bixinaaya sidii ay kusoo afjari lahaayen dagaalka ka dhex socda gudaha Hoteelka.

Khasaaraha dhimasho ayaa la sheegayaa inuu kor u dhaafayo 14, halka dhaawacuna uu gaarayo ilaa 20 oo la kala gaarsiiyay xarumaha caafimaadka.

Dhinaca kale, Meydad go’ go’ ay ayaa weli tuban afafka hore ee Hoteelka, iyadoo gudahuna uu yahay mid ay is dul yaalan meydadka iyo dhaawacyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com