Qarax xooggan oo goor dhow ruxay Muqdisho iyo rasaas culus oo la maqlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoog leh ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay meel banaanka Hotelka Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho, oo ku dhow tiyaatarka qaranka, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Wararka ayaa sheegayo inuu qaraxaas ahaa gaari lasoo dhigay meesha isla markaasna uu qarxay, inkastoo warar kalana ay sheegayaan inuu ahaa gaari uu waday Naftii hore.

Mid kamid ah goobjoogayaasha meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inuu ahaa gaariga qarxay Land Cruser nooca loo yaqaan, waxaana qaraxa kasoo baxay wararka kala duwan oo ku aadan halka uu sida rasmiga ah uga dhacay.

Qaraxa kadib ayaa sidoo kale la maqlay rasaas culus, waxaana la sheegay in dhaawacyo laga qaadayo banaanka hotelka. Lama yaqaan rasaasta inay tahay ciidamada iyo in koox hubeysan ay galeen hotelka.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa jiro, waxayna wararka sheegayaan inay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxaas Gawaarida dadweynaha oo gaarayo ilaa 7 Gaari oo meesha yaal, waxaana dhaawacyo laga qaadayaa banaanka hotel Naasa Hablood 2 iyo maqaayadda Banoda.

Hotelka Naasa Hablood 2, wax uu ku dhow yahay madaxtooyada, inkasta oo uusan dhawaanshihiisa ahayn mid qaraxa ka dhacay saameyn kara Villa Somalia.

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo xilli aysan dadka Muqdisho weli iloobin musiibadii weyneyd ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu waayey 358 qof

Wixii warar ah ee soo kordha la soco Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com