Manchester City oo beenisay inay Guardiola ku bedeli rabaan tababarahooda Mancini.

Manchester City ayaa gaashaanka ku dhufatay warar sheegayey inay shaqada Roberto Mancini ku bedeli doonaan tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola ka dib markii ay kooxdu agaasimaheeda kubada cagta u magacaawday agaasimihii hore ee farsamada Barcelona Txiki Begiristain.

Imaanshiyihii Txiki Begiristain ka dib, saxafada ayaa soo jeedineysay inuu jidka kusoo jiro Guardiola kaasoo shaqada ka bedelaay tababaraha reer Talyaani ka dib markii uu sanadkaan ku fashilmay inuu kooxda u keeno natiijooyin wax ku ool ah.

Mancini, oo shan sano oo qandaraas ah xagaaga u saxiixay City ayaa noqonaaya tababaraha ugu sareeya ee kooxda laga qadariyo, wuxuuna hada ku jiraa wado uu ku badbaadsanaayo shaqadiisa, sida laga soo xigtay ila wareedyo kooxda ku dhow.

“Roberto wuxuu kooxda u qaaday sedax koob mudadii labada sano iyo barka aheyd ee uu la joogay wuxuuna kooxda u saxiixay shan sano oo qandaraas ah intii lagu jiray xagaaga, taasna ma dhacdeen hadii uusan fikrad ka heysteen waxaa jira macalimiin qaldanta,” ila ku dhow kooxda aya sidaasi u sheegay ESPN.

“Marnaba, tani ma quseyso tababaraha, waa wax ay sameynayaan xubno kooxda ah. Mida ugu macquulsan waa inuu arinka ku lug leeyahay nin hore oo Barcelona ah mana ahan wax hada halkaan ka socda.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.