Ethiopia: Feejignaanta Jubbaland.

By Asad Cabdullahi Mataan

Maqaalkan waa mid aan ku lafa gurayno siyaasada gunta dheer ee dawladaha geeska afrika ay ka leeyihiin qaybo kamida soomalia iyagoo u arka in jiritaanka dalalkoodu uu ku xirran yahay wacyiga deegaanadaasi.

Deegaanada Jubooyinka iyo gado ee koonfurta soomalia waa deegaano leh khayraad isugu jira beero, xoolo, dhul xeebeed, shidaal iyo macdan. Dhulkaasi waa dhul kooban oo ay suura gali karto in si fudud loo maamulo lagana warhayo isbadalada siyaasadeed iyo kan ciidan ee deegaanka wallow ay jiraan dhul kaymeed baaxad wayn oo ay suuro gali karto inaan si dhaqso ah loogu kala bixin.

Deegaankan Jubooyinka ayaa ah deegaan muhiimad wayn u leh umada soomaliyeed ahna dhulka uu maro dhul badhaha aduunka. Sidaas si lamida waxaa deegaankan isha ku haya dawladaha xuduuda la leh kuwaas oo aaminsan inay tahay dhul ay dheef iyo dhiba kala kulmi karaan ayna tahay in muhiimad badan siiyaan.

Dalalkan dariska la ah deegaankan ayaa si toos ah iyo si aan toos ahaynba uga qayb qaata siyaasadaha isbadbadalka badan ee deegankan Jubooyinka iyadoo laga xussi karo doorkii faca waynaa ee ay dawladaEthiopiaku lahayd qaab siyaasadeedka murugsan ee deeganada Jubooyinka. Waxaa sidoo kalle xusid mudan doorka sida xawliga ah usoo badanaya ee dawladaKenyaoo iyaduna dano dhaqaale ka leh deegaanka ayna tahay inay siyaasada deeganakana lug ku yeelato, halkani waa dulucda maqaalka.

Kenyawaa dawladii abid si heer sare ah hawlgal ciidan uga fulisa deegaanada Jubooyinka iyo gedo iyadoo hawlgalkaasi uu ahaa kii abid ugu waynaa ee ayKenyamillateri ahaan fuliso.

Ethiopia iyadu walli si toos ah oo madax banaan uma soo galin deegaankan mana aysan u fulin sida kan Kenya lakiin waxay ahayd dawlada kaliya ee shaxda siyasadeed ee deegaanka Jubooyinka qalinka u haysay waxaana laga xussi karaa hawlgalkii ay ku baacsanaysay maxaakimta taasoo oo markii ugu horaysay u sahlay in calankeeda laga taago xeryo ciidan oo ay kasamaysatay waqooyiga magaalada Kismaanyo inkastoo aanu hawlgaasi ahayn mid waqti dheer qaatay.

Labadan dal ee midba mar deegaankan soo galayo ma is waafaqsan yihiim amaba ma isku agenda ayay ka leeyihiin deegaankan?, jawaabtu waa maya oo mid walba dantiisa ayuu ugu gabanayaa hawlgalkiisa. Arrintani waa mida uu maqaalku qeexayo in deegankanu uu marti-galiyay siyaasado shisheeye oo is hardinaya ayna suurawdo in dalalkaasi ay si xirfadaysan ugu dagalamaan gacan ku haynta deeganadan Jubooyinka. Arrintan waxaa u markhaati kacaya wacyigii ugu danbeeyay oo aan ka dheehan karnay xaalada deeganada Jubooyinka iyo gedo.

Kenyawaxay tababar siisay ciidan beeleed ay u aragtay inay la dhacsan yihiin siyaasadaKenyaee deegaanka taas badalkeedana waxay hiil iyo hooba la garab istaagtay ciidan beeleedkaasi.Kenyawaxaa usuuragashay inay meesha ka saarto kooxdii ka talinaysay meesha waxayna gaashaan ka dhigatay ciidan beeleedkii ay awalba iyadu unkatay waxayna u balan qaaday inay si xirfadaysan ugu samayn doonto deegaanka maamul kaas oo ay iyagu arrimin doonaan.

Arrintani waa arrin halis ah lakiin Kenya waxay ku jirtaa xaalada aysan dan kalahayn waxa imaan karra waayo waxaa un imaan karra inay sida ay doonayso u hirgasho oo ay maamul ay iyadu raali ka tahay uu ka arrimyo deegaanka iyo in ciidan beeleedka ay iyadu unkatay iyo kuwa kalle ay ku hardamaan gacan ku haynta deegaanka labadaas arrin midina saamayn kuma lahan hawlgalka Kenya oo isagu leh ujeedooyin hoosaad asal u ah.

Ethiopiaiyadu waa ay iska cadahay muhiimada iyo waliba danaha siyasadeed ee ay ka leedahay deegaanka Jubooyinka iyo gedo ujeedooyinkaas oo u badan kuwo amni. Marka aan leeyaahay kuwo amni,Ethiopiawaxa ay saamayn wayn ku leedahay habsami usocodka siyasadeed ee soomalia wallow ay hoos u dhacday ka dib geeridii aabaha Ethiopiada cusub, Malez Zenawi.

HadanaEthiopiawaxa saldhig u ah inay si kasta uga hortagto in deeganada Jubooyinka ay yeeshaan maamul saamayn ku leh xaalada gudahaEthiopia. Jubooyinka waxaa dega soomali qabaailo kala duwan leh hasa ahaatee khibrada ay Ethiopia soomalida u leedahay ayaa u sahlaysa inay halbeeg iyada gaar u ah saarto soomalida degta Jubooyinka iyo gedo kaas oo qaarkood hoosta ka xariiqaya madaama ay Ethiopia aaminsantahay inay halis ku noqon karaan degenaanshaha gudaha Ethiopia taasina waxay ka door bidaysaa inay wax walba samayso intii ay arki lahayd Juboyinka iyo gedo oo halis iyada ku ah. Arrinkani waxaa laorankaraa wuxuu kamid yahay siyaasada fog ee Ethiopia ay ka leedahay gudaha soomalia waana arrin ay siyaasiyiin soomali ah oo Ethiopia si daacad ah ugu shaqayn jirray ay ku ilduufeen lana ogyahay xaalka ay ka danbeeyeen. Waxaan ka xusi karaa in madaxwaynihii dawlad deegaanka soomalida ee ugu firfircoonaa uguna danbeeyay uu dabinkaas lugta la galay ayna keentay inay ay shaqayso siyaasada guunka ah eeEthiopia.

Arrinka Jubooyinku wuxuu xiisad culus ka dhalinayaa dawladaha jaarka la ah dhexdooda waxaana uu noqon doonaa mid ay ku adkaan doonto in midba midka kalle ka dhaadhiciyo siyaasadiisa gaar ahaaneed.  Ethiopiawaxay aaminsantahay in ayKenyaku khaldantay kuna fashilantay adeegsiga kuwaEthiopiahalista ku ah taasina ay keenayso inEthiopiajiritaankeedu ku xiranyahay inay ka hortimaado qorshahaKenyagabi ahaantiisba.Kenyaiyadu waxay leedahay dano dhaqaale amniguna kama marna lakiin waxay noqon doontaa mid khibrad ka hesha hawlgalkan waxayna yeelaysa hadba meesha ay isleedahay dhibaato kaama soo wajahayso waxayna ogsoontahay saamayntaEthiopiahadii ay iska indha tirto.  Xaalku waa mid u daran soomalida oo ah cida kaliya ee ah dhibku sida tooska ah u saamaynayo halka dawladaha kalle ay wataan danno iyo waxa loo yaqaano ” contingency plans”.

Waxaan kusoo gababaynayaa ma adka in ciidan iyo hogaan kaliya uu ka taliyo Jubooyinka ee waxaa adag in maamul Jubaland la yiraahdo loo sameeyo Jubooyinka iyo gedo, sabab? Jawaabtu waa dhankaaga.

W/Q: Cabdijaliil Mohamed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan