Mareykanka oo $55 bilyan siinaya Afrika iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in lacag dhan illaa 55 bilyan oo dollar ay ugu yabooheyso Qaaradda Afrika saddexda sano ee soo socoto, taas oo uu Mareykanku sheegay inuu ku xoojinayo iskaashiga dalalka Afrika.

Lacagta Mareykanka uu ku dhawaaqay ayaa kusoo beegantay, xilli uu maanta furmayo shirweynaha u dhaxeeya Afrika iyo Mareykanka, kaas oo ka qabsoomaya Washington.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galatyaa illaa 50 wafdi oo ka kala socday illaa 49 waddan oo Afrikaan ah iyo Midowga Afrika, waxaana sidoo kale ku jira madaxdaas madaxweunaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxaana kala duwan heerka metelaadda dalalka ka qaybgalaya.

Sidoo kale waxaa inta uu socdo shirkan intiisa badan diirrada lagu saarayaa dib u eegista xiriirka Afrika iyo Mareykanka, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.

Waxaa sidoo kale shirka lagu soo qaadi doonaa caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimuqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta iyo isbedelka cimilada.

Dhinaca kale Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa shaaciyey liiska waddamada aan lagu casuumin shirkan, kuwaas oo gaaraya illaa shan dal oo ay ka mid yihiin Burkina Faso, Mali, Guinea iyo Sudan, iyada oo sababta aan dalalkan loo casumin lagu sababeeyey, maadaama uu ururka Midowga Afrika uu hakiyey xubinimadii dalalkan, kadib markii sifo aan sharci ahayn loo beddelay xukuumaddii dalkaas ka ariminaysay. Sidoo kale waxaa liiska dalalka aan la casumin ku jira dalka Eriteria oo aan xiriir diblomaasiyadeed la lahayn Maraykanka.

Mareykanka oo ka mid ah dalalka ugu awoodda badan caalamka ayaa iskaashiga ballaaran laleh Qaaradda Afrika, isaga oo ka fuliyo howlo kala duwan iyo howlgallo milatari intaba.