SACUUDIGA oo shaaciyey qorshahooda haddii IRAN ay hesho hub Nukliyeer

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii sheegay in dalalka Khaliijka ay qaadi doonaan tallaabo ay ku xoojinayaan amnigooda haddii Iran ay hesho hub Nukliyeer ah.

Wada-hadallo aan toos aheyn uu oo u dhaxeeyey Mareykanka iyo Iran oo lagu badbaadin lahaa heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, kaasi oo Washington ay ka baxday 2018-kii, ayaa hakaday bishii September. Madaxa Nukliyeerka ee QM ayaa walaac ka muujiyey hadallo ay dhowaan Iran ku sheegtay inay xoojineyso kobcinta awooddeeda uranium-ka.

“Haddii Iran ay hesho hub nukliyeer oo shaqeynaya, natiijada waa mid aan la qiyaasi karin,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud oo wareysi bixiyey isaga oo ku sugan Shirka Siyaasadda Adduunka ee Abu Dhabi.

“Waxaan ku jirnaa meel aad khatar u ah oo gobolka ah…waxaad filan kartaan in dalalka gobolka ay si dhab ah u eegi doonaan sidii ay ammaankooda u sugi lahaayeen,” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa loo arkaa mid ka dhigan in dalalka Khaliijka ay ayagana raadin doonaan hub nukliyeer ah, haddii Iran ay hesho.

Wada-hadallada Nukliyeerka ayaa istaagay ayada oo quwadaha Reer Galbeedka ay ku eedeeyeen Iran inay la timid dalabyo aan suurtagal aheyn, waxayna kadib diiradda u weeciyeen dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Inkasta oo Riyadh ay weli “shaki ka qabto” heshiiska nukliyeerka Iran, haddana Amiir Faisal wuxuu taageeray dadaallada dib loogu soo nooleynayo heshiiska “ayada oo shuruurdda ay tahay inay noqoto billowga, balse aysan aheyn dhammaada heshiiska xooggan oo lala galo Tehran.”

Dalalka Khaliijka ayaa cadaadiyey heshiis xooggan oo wax ka qabanaya walaacyada ay ka qabaan gantaallada iyo barnaamijka diyaaradaha drone-ka Iran iyo shabakadaha qarsoon ee ay ku leedahay gobolka.

“Nasiib-darro, tilmaamooyinka iminka ma ahan kuwa togan,” ayuu yiri Amiir Faisal.

“Waxaan ka maqalnaa Iiraaniyiinta inaysan dooneyn barnaamij hub nukliyeer, taasi waxay noqon laheyd mid aad nasteexo u ah inaan awoodno inaan rumeysano. Waxaan u baahanahay damaanad dheeri ah.”

Iran waxay sheegtaa in teknoolajiyaddeeda Nukliyeerka ay tahay mid laga leeyahay dano rayid.

Reuters