Mareykanka oo shaaciyey inuu qaadayo tallaab lagu ciqaabayo Saudi Arabia

Washington (Caasimada Online) – Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa u codeyn doono sharci lagu ciqaabayo Dowladda Sacuudiga kaasi oo la xiriira dagaalka Yemen iyo dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji oo ka dhacay magaalada Istanbul, sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan Golaha.

“Goluhu waxay u codeyn doonaa ka hor dhamaadka sanadkan, sharci lagu raadinayo in lagu joojiyo dhamaan taageerada Sacuudiga ee dagaalka Yemen” waxaa sidaasi yiri Senator Bob Corker, oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka dibadda ee Senate-ka.

Wuxuu sidoo ka sheegay inay suuro gal tahay in mooshin laga keeno u codeynta hanaanka looga hortagayo hubka ay iibiso xukuumadda Riyaad, sida uu xildhibaanka cadeeyay.

“Aqalka sare waxay raadinayaan hanaan lagu tusayo Sacuudiga, waxa ku dhacay Wariye Jamaal iyo arinta la xiriira hanaanka ay Yemen la doonayaan”sidaasi ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Bob.

Dilkii Wariye Jamaal oo dhacay labadii bishii lasoo dhaafay ayaa sare u qaaday walwalka Golaha Senate-ka , sidoo kale waxaa walwalka aqalka kor u qaaday dagaalka Yemen, gaar ahaan dilka dadka rayidka ee ka dhashay weerarada Sacuudiga.

Lindsey Graham oo aqalka sare ku matala xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in golaha ay ka doodayeen cunaqabateyn ka dhan ah Sacuudiga, taasi oo ka dhalatay dilkii Jamaal Kashoqji “Maxamed Bin Salmaan waa ruux aan lagu kalsoonaan karin oo aan degeneyn”ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Graham.

Caasimada Online
Xafiiska Washington 
Caasimada@live.com