Muxuu wasiir Cawad kala hadlay wasiirka arrimaha dibada Kenya? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma.

Kulanka ayaa yimid kadib markii masuuliyiintaan ay isku arkeen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaasi oo uu ka socdo Shirka gaarka ah ee 20-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa.

Labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa isla soo hadal qaaday dadaalada nabadeed ee ka socdo dalka Soomaaliya iyo sidii Kenya u labo jibaari laheyd taageerada nabadeed ee dalka Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen wanaajinta xiriirka labo geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale horumarinta iskaashiga labada dal ayay isla soo hadal qaadeen.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhigiisa Kenya kaga mahadceliyay doorta dowladda Kenya ay ku leedahay howlaha nabadeynta ee ka socdo dalka Soomaaliya.

Arrimaha amaanka iyo nabad galyada Geeska Africa ayaa lagu soo hadal qaaday shirka gaarka ahaa ee u dhaxeeyay labada wasiir, waxaana wasiirada ay balanqaadeen inay si wanaagsan iskaaga kaashan doonaan la dagaalanka argagixisada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com