Mareykanka oo war culus ka soo saaray howlgal uu ka fuliyey Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed uu soo saarey Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa looga warbixiyey duqeyn cirka ah, 17-kii Bishan December fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee dalkaas.

Duqeyntaas ayaa lala beegsadey kooxda Al-Shabaab, waxayna ka dhacday meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Sida lagu sheegay qoraalka AFRICOM, waxaa weerarka lagu dilay mid ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee degmadaas ku sugnaa.

AFRICOM waxay intaas ku sii dareen in duqeyntaas aysan wax khasaare ah oo kale uusan ka soo gaarin dad shacab ah.

Howlgalkaasi duqeynta ah ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo tan Mareykannka.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa tallaabo kale oo lagu wiiqayo awooda kooxda Al-Shabaab ee carqaladda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku badan degmada Jilib, waxayna sheegaan inay tahay caasimadda kooxda, maadaama uu gacanta ugu wadajiro gobolka Jubbada Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay warbixin uga soo saartay duqeyntaan, waxayna shaacisay geerida sarkaal weyn oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kale dowladda ayaa warbixinteeda horay ugu cadeysay in diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen duqeyntaas.