Mareykanka oo war cusub kasoo saaray kulanka DF iyo maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn u bogaadisay imaatinka ay madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ku yimaadeen caasimadda si loo dhameeyo wadahadallada.

Safaaraddu waxey aaminsan tahay in imaatinka madaxweynayaasha ay tahay wax weyn isla markaana ay ka shaqeyn doonaan dhameynta wadahadalladii socday iyo hirgalinta hab walba oo la isku raaco iney doorashada u dhacdo.

Qoraalka lasoo dhigay twitter-ka waxaa si gaar ah loogu taabtay doorka uu madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ku leeyahay shirarka lagu xalinayo mugdiga jira ee ku saabsan arrimaha doorashooyika, si la mid ah bulshada reer Galmudug ayaa qoraalka lagu xusay.

“Waxaan boorineynaa in madaxweynayaasha maamul goboleedyada ay Muqdisho u joogaan soo gabagabeynta wadahadallada iyo bilowga hirgalinta hab la isku raacsan yahay oo horay loogu sii wado doorashooyinka, waxaan madaxweyne Qoor-qoor uga mahad celineynaa shaqadiisa adag iyo doorka taariikhiga ah oo ay dadka reer galmudug ku leeyahiin geeddi u socodka doorashooyinka” ayey safaaradu ku qortay twitter-ka.

Shirka ay yeelanayaan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa baaqday shalay oo Khamiis ah, waxaana la rajeynayaa inuu sabtida furmo inkastoo aan muddeyn rasmi ah la sameyn wali.

Lama oga doorka ay shirkaan ku yeelan karaan asxaabta mucaaradka, sidoo kalana waxey dadka oo dhami sugayaan waxa kasoo baxa.