Maxaa looga hadlay kulankii Xasan Sheekh iyo Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay gudoomiyihii hore ee golaha shacabka, Maxamed Jawaari.

Kulankaasi ayaa waxa uu ka dhacay hoyga madaxweyne Xasan uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho, oo uu qado sharaf ugu sameeyay Jawaari.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi ayaa waxa looga hadlay xaalad siyaasadeedka cakiran ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka 2020/21.

Sidoo kale waxa looga arrinsaday ismari-waaga siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo mucaaridka, oo muddooyinkii dambe isku maan-dhafsanaa  qabsoomida doorashooyinka dalka.

Jawaari ayaa muddo badan ka maqnaa saaxada siyaasada tan iyo markii uu iska casilay xilkii guddoomiyaha golaha shacabka, isagoona ka gaabsan jiray ka hadalka arrimaha siyaasada dalka oo xiligan maraya meel xasaasi ah.

Kulankan ayaa imaanaya xili ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin madaxda maamulada dalka, ayna ka socdaan shirar looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka, oo muddooyinkii dambe abuuray xiisad xoogan.