Qoor-Qoor oo safar deg deg ah uga baxay Muqdisho, xilli uu furmayo shirkii DF iyo maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa safar aan hore loo shaacin oo deg-deg ah uga baxay magaalada Muqdisho, xilli uu furmayo shirkii dowladda federaalka iyo maamulada dalka.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ka duulay madaarka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde, isagoona u ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa waxa madaarka Muqdisho ka qaaday diyaarad UN-ka uu leeyahay, iyada oo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka safarkiisa.

Safarkan ayaa imaanaya xilli madaxda maamulada dalka ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, isla markaana uu caasimadda ka furmi doono shir looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirka dowladda federaalka iyo kuwa maamulada ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Muqdisho, kadib markii uu baaqday kulankii loo balansanaa maalin-nimadii Khamiistii.

Waxayna falanqeeyayaashu rumeysan-yihiin in Qoor-Qoor uusan ka maqnaan doonin shirka ka furmaya Muqdisho, isla markaana uu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laaban doono caasimadda dalka, wallow aan si dhab ah loo ogeyn.

Shirka Muqdisho ayaa ujeedkiisa u weyn uu yahay in lagu dhameystiro waxyaabahii kasoo baxay shirarkii Dhuusamareeb, iyada oo meesha laga saarayo khilaafkii ka dhashay shirkii Dhuusamareeb-3.