Axmed Madoobe oo deg deg ugu laabtay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa si deg deg ah galabta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo oo uu ka dhacay qarax is-miidaamin ah.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay xubno uu ka mid ahaa guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Jubaland Shaafi Raabi Kaahin, kaasi oo dhaawac kasoo gaaray qaraxa saacado kadib ugu geeriyooday Isbitaalka guud ee Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa u tegay Kismaayo inuu ka qeyb galo aaska iyo tacsida Shaafi Raabi Kaahin.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu fuliyey Nin soo xirtay jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku qarxiyay banaanka Masaajidka Jaamac Qadiim ee magaalada Kismaayo.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Afar qof oo uu ku jiro qofkii ismiidaamiyey halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo u badan ilaalada Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.

Goor sii horreysay oo maanta ah, ayaa sidoo kale madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxa uu safar aan hore loo shaacin oo deg-deg ah ugu baxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa waxa madaarka Muqdisho ka qaaday diyaarad UN-ka uu leeyahay, iyada oo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka safarkiisa.

Labada safar ee Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe ayey suurta-gal tahay inay dib u dhigaan shirkii madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ay ku yeelan lahaayeen Muqdisho oo la qorsheeyey berri, haddii aanay xilli hore isla berri ku soo laaban Muqdisho.