Dalkii labaad oo Khaliij ah oo xiriir rasmi ah la yeeshay Israel kadib Imaaraadka

Caasimada OnlineBy Caasimada Online

Washington (Caasimada Online) – Bahrain ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyey oo Carab ah oo ogolaada inuu xiriir la yeesho Israel, taasi oo qeyb ka ah dadaal uu wado maamulka madaxweyne Trump oo is-dhexgal loogu abuurayo Israel iyo dalalka Carabta ee Bariga Dhexe.

Trump ayaa heshiiskan ku dhowaaqay maanta kadib wada-hadal taleefon oo saddex geesood ah oo uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo boqorka Bahrain Hamad bin Isa Al Khalifa. Saddexda mas’uul ayaa sidoo kale soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah.

“Heshiis kale oo taariikhi ah ayaa dhacay maanta,” ayuu Trump soo dhigay Twitter-ka.

Dhowaqan ayaa guul diblomaasiyadeed oo kale u ah Trump, oo lagu wado inuu 15-ka bishan Aqalka Cad ku qabto munaasabad lagu saxiixayo heshiiska Imaaraadka Carabta iyo Israel, kaasi oo sidoo kale la filayo inay ka qeyb-gasho Bahrain.

“Tani waxay heshiis kale oo taariikhi ah u tahay sare u qaadidda nabadda Bariga Dhexe,” ayaa lagu yiri bayaan ay wadajir usoo saareen Trump, Netanyahu iyo Boqor Hamad.

“Furista wada-hadal iyo xiriir toos ah oo dhex-mara labadan bulsho ee firfircoon iyo dhaqaalahooda horumaray waxay isbeddel wanaagsan u tahay Bariga Dhexe, waxayna sare u qaadeysaa xasiloonida, nabadda iyo barwaaqada gobolka.

Bahrain ayaa noqoneysa dalkii labaad oo Khaliij ah oo xiriir la yeesha Israel kadib Imaaraadka, iyo dalkii afaraad oo Carab ah, kadib Masar, Jordan iyo Imaaraadka.