Xog: Maxaa hortaagan inuu furmo shirka Farmaajo iyo madax goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib u dhac lama filaan ah ayaa ku yimid shirkii la filayay inuu magaalada Muqdisho uga furmo dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu dhameystiro waxyaabahii kasoo baxay shirarkii Dhuusamareeb.

Villa Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inuu shirka furmayo Khamiis, balse ma suuragalin waxaana jira walaac badan oo arintaan laga qabo iyo sidoo kale caqabado ku gudban inuu shirka furmo.

Gudoomiyaha ururada bulshada rayikd aha Cismaan Muxudiin Shaatax ayaa ka dhawajiyay iney qabaan walaac badan oo ku saabsan furitaanka shirka isla markaana ay dareensan yahiin iney jirto tanaasul la’aan madaxda dhexdeeda ah.

Sidoo kale wuxuu aaminsan yahay in wadashaqeyn la’aanta muddada badan ka dhaxeysay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay sabab u noqotay in waxyaabo badan oo la rabay in la qabto ay baaqdeen.

Caasimadda Online waxey ilo muhiim ah ka xigatay inuu weli uu jiro is mari-waa u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada dalka, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland, waxaana haatan socda kulamo gooni-gooni ah.

Jubbaland waxey dooneysaa in lagu dhaqaaqo dhaqan galinta ballan-qaadyadii ay dowladda dhexe sameysay oo ay ugu horreyso arrinta gobolka Gedo, sidoo kale waxaa la rumeysan yahay iney kala qeybsanaan ka dhex jirto madaxda shanta maamul goboleed.

Maalinta sabtida ah inuu furmo ayaa la rajeynayaa shirka, waxaana dhici doona shirar gooni-gooni ah oo u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada, xubnaha dowladda dhexe ku matala iyo siyaasiyiinta kale.

Ugu dambeyntii xalay waxaa baaqday kulan casho ah oo ay yeelan lahaayeen madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe oo ay soo agaasimeen Villa Soomaaliya.