Xog: ‘Warqad cabasho ah oo Muqdisho laga diray oo ka dambeysay’ imaanshaha wafdigii Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa  Caasimada Online u sheegay in madaxweynayaashii hore ee dalka, siyaasiin iyo xubno kale ay dowladda Mareykanka ay u gudbiyeen tabashooyin ka dhan qaabkii loo maamulay dib u habeynta ciidamada Soomaaliya.

Mareykanka oo Soomaaliya ka taageera arrimaha ammaanka ayaa loo qoray warqad ay ku caddahay in la ruqseeyay boqolaal ka mid ah ciidamada dowladda oo ku sugnaa Shabeelooyinka kuwaas oo u badan beel gaar ah.

Warqaddan ayaa daba socotay qeylo-dhaan horey oo arrintan la xiriirta oo la jeediyey.

War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka beelaha Mudulood ayaa qodob ka mid ah looga cowday xadgudub ay beesha sheegtay inuu ka jiro hay’adaha amniga iyo garsoorka dowladda federaalka.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale horey uga uga hadlay madaxweyne Shariif, markii uu jeediyey khudbaddii munaasabadda kowda Luuliyo, waxaana mar bayaan kasoo saaray Madasha Xisbiyada Qaran.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in cabashadan soo jireenka ah ay ugu dambeyn Mareykanka u dhego nuglaadeen.

“Wafdigaan waxay ogaadeen in ay sax tahay cabashada siyaasiinta oo ah in la ruqseeyay ciidamo badan, si gaar ahna loo beegsaday kuwa ka soo jeeda goballada Koonfurta iyo bartamaha,” ayuu yiri xildhibaan arrintan xog ogaal u ah oo codsaday inaan la magacaabin.

Xubnaha shaqada laga joojiyey waxaa ka mid ah taliyihii ciidamada Danab gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, oo ay isku hayb yihiin ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, hase yeeshee waxaa hadda soo baxday inay jiraan ciidamo badan oo hoose oo shaqada laga eryey iyo dhowr taliyeyaal oo kale, ayada oo aan la aqoon sababta, maadaama aan si rasmi ah loo shaacin.

Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in uu ka digayo qaraabo-kiilka in la musuq-maasuqo dib u habeynta ciidamada Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay taageereysaa dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga taasi oo mustaqbal ifaya u hogaamin doonta Soomaaliya iyo dhammaan Soomaalida. Musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka waxay dib u dhigaan horumarka isbedellada, waxay waxyeeleeyaan amniga shacabka Soomaaliya, waxayna xoojiyaan cadowga Soomaaliya.”

Qoraalkaas ayaa waxaa kadib xigay in Arbacadii ay Mareykanka Muqdisho usoo direen wafdi heer sare ah u badan saraakiil ciidan.

Wafdiga Mareykanka ayaa muddo saacado ah Madaxweyne Farmaajo kulan kula qaatay garoonka Aadan Cadde, waxaana lagala hadlay dhibaatooyin laga soo gudbiyay nidaamka dib u habeynta ciidamada Soomaaliya.