KENYA oo amartay in lasoo xiro barasaabka Gaarisa Cali Bunow Qorane + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimaha waaxda dacwad oogista Kenya (DPP) Noordin Haji ayaa amray in lasoo xiro barasaabka Gaarisa Cali Bunow Qorane iyo afar sarkaal oo ka tirsan maamulka Gaarisa, ayada oo lagu tuhmayo inay xadeen 235 milyan oo shillin, oo ahayd lacag ka timid Bankiga Adduunka.

Lacagtan ayaa dollar ahaan u dhiganta 2,167,579 (laba milyan, boqol lixdan iyo toddoba kun, shan boqol toddobaatan iyo sgaala).

Bayaan kasoo baxay ayuu Noordin Haji ku sheegay in amarka xariga uu ka dambeeyey kadib markii lasoo geba-gebeeyey baaritaan ay Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (EACC) ku sameeyeen lacag si qaladan loo adeegsaday oo la siiyey maamulka, taasi oo qeyb ka ahayd Barnaamijka Taageerada Magaalooyinka Kenya ee uu bixiyey Bankiga Adduunka

Kadib markii lasoo geba-gebeeyey baaritaanka, EACC ayaa ku talo bixisay in lasoo xiray Cali Bunow iyo afar sarkaal oo kale oo lagu eedeeyey dacwado dhowr ah.

Afarta qof ee kale ee lala eedeeyey Cali Bunow ayaa kala ah; madaxa maaliyadda gobolka Ibrahim Nur Malow, madaxa lacagta Mohammed Ahmed Abdullahi, madaxa fulinta dowladda hoose Abdi Shale, iyo madaxa xisaabaadka dowladda hoose Ahmed Abdullahi Aden.

Xafiiska DPP ayaa sheegay in lacagtii la siiyey maamulka Gaarisa la leexsaday islamarkaana aan loo adeegsan habkii loogu talo-galay.

Lacagta ayaa qorshuhu ahaa in lagu dhiso suuqa Qorahay, dib loogu dayac tiro waddooyinka iyo mashruucyo kale. Hase yeeshee waxaa sida la tuhunsan yahay la leexsaday Febraayo ilaa September 2019.

Noordin Haji ayaa sheegay in la hayo caddeymo ku filan oo dacwado loogu soo oogi karo Cali Bunow iyo dadka lala eedeeyey.