Thaabi: Shirka Muqdisho kadib wixii sii jiitama waxay marqaati u yihiin damac liita

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyihii hore gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed ayaa fariin uu bartiisa facebook soo dhigay ku muujiyay dareenkiisa shirka la filayo inuu muqdisho uga qabsoomo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Hogaamiyaha xisbiga awoodda shacabka wuxuu dareensan yahay in bulshada Soomaalida ah aysan xamili karin waqti lumin siyaasadeed, jahawareer doorasho iyo xifaaltan u dhaxeeya kooxo gaar ah.

Wuxuu ku baaqay in laga mira-dhaliyo shirka la filayo inuu qabsoomo, isla markaana soo dhameeyo khilaafyadii soo jiray, doodahii arrimaha doorashada iyo sidoo kale in go’aan cad laga gaaro xaaladda hadda taagan.

Sidoo kale qoraalkiisa wuxuu ku sheegay in loo tanaasulo danta guud, shacabka Somalida ahna aysan aqbali karin waqti lumin intaan ka badan.

AKHRISO QORAALKA GUDOOMIYAHII HORE GOBOLKA BANAADIR

Marka la eego halka ay maanta Soomaaliya joogto, ma xamili karto waqti lumin siyaasaddeed, jahwareer doorasho iyo xifaaltan kooxeed. Ummaddeena intaas waa ka baahi badan tahay, waana ka maamuus weyn tahay.

Shirka #Muqdisho waa inuu noqdaa midkii gunnaanadi lahaa geedi socodkii shirrarka, doodihii arrimaha doorashooyinka iyo khilaafkii soo jiray, waana inuu xaaladda taagan si waadix ah u go’aamiyaa. Waxa qura ee la qaadan karo waa inuu shirkan kadib dalku doorasho aado, si ay shacabka, xisbiyada iyo cid walba u qaadato kaalinteeda.

Waxaan boggaadineynaa in dhammaan dhinacyadu aqbaleen iney #Muqdisho isugu yimaadaan, waxaana ku baaqeynaa in danta guud loo tanaasulo oo aan waqti kale laga lumin shacabka Soomaaliyeed ee indhaha iyo dhaggaha ku haya shanqarta siyaasiyiinta.

Wixii hadda kadib sii jiitama waxaa ay ka marqaati kici doonaan damac liita iyo mas’uuliyad darro, waxaana ceebteeda qaadan doonta ciddii fasha.