Turkey oo jawaab kulul ka bixisay hadallo ‘kibir leh’ oo kasoo yeeray Macron

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku cambaareysay hadallo “kibir leh oo ka turjumaya fikradihii gumeysiga” oo uu jeediyey xilli ay kasii dareyso xiisadda Turkey iyo Greece ee Mediterranean-ka.

Bayaan ay soo saartay Khamiisti ayey wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ku sheegtay in Macron uu halis gelinayo danaha Midowga Yurub, isaga oo eegaya tiisa shaqsiyeed.

“Macron waxa uu isku dayayaa inuu cashar bixiyo isaga oo si tartiib ah u muujinaya fikradihii gumeystayaashii hore,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka Turkey ayaa yimid kadib markii Macron uu ku booriyey Yurub inay mowqif cad oo mideysan ka qaataan Turkey, isaga oo sheegay in Ankara “aysan hadda kadib saaxiib la ahayn” Yurub, sababo la xiriira ficilladeeda Mediterranean-ka iyo Libya.

“Haddaan nahay Yurub waxaan u baahannahy inaan lahaano mowqif adag oo cad, hab dhaqanka madaxweyne Erdogan waa mid aan la aqbali karin,” ayuu yiri Macron.

Waxaa jirta cabsi xooggan oo ku saabsan in dagaal uu si kam ah uga dhex qarxi karo labada dal ee Greece iyo Turkey oo isku haya maamulka dhul badeed la rumeysan yahay inay ka buuxaan saliid iyo gaas.

Faransiiska ayaa la rumeysan yahay inuu ka carreysan yahay fashilkii ka raacay dagaalka Libya ee uu ku taageerayey dagaal ooge Khalifa Haftar oo ay kaga adkaatay dowladda Libya ee Turkiga uu taageero.