DF oo ganacsatada dalka iyo shacabka ugu baaqday in la caawiyo shacabka dal kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro dowladda iyo shacabka Sudan oo wajahaya fatahaadihii ugu ba’naa ee dalkaas soo mara muddo ka badan 100 sano.

Qeybo ka mid ah dalka Sudan ayaa waxaa ku fatahay webige Nile, taasi oo horseeday dhimasha in ka badan 100 qof iyo barakaca dad kor u dhaafaya nus milyan.

“Waxaan u tacsiyeynay waddanka aan walaalaha nahay ee Suudan oo aan leenahay Soomaaliya waa ay idin garab taagan tahay. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed in gurmad deg deg ah la siiyo walaalaheen Suudan oo na garab istaagay xilligii aan u baahneyn,” ayuu yiri sii hayaha Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud.

Shirka Golaha oo uu Khamiistii guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in muwaadiniinta Sudan ee ku dhaqan Soomaaliya laga dhaafo kharashaadka degganaanshaha iyo ganaaxyo haddii ay jireen.

Sudan oo ka mid ah dadalka sida weyn u garab istaagay Soomaaliya, waxaa ku nool in ka badan 7,000 oo mawaadiniin Soomaaliyeed ah oo isugu jira arday iyo qoysas kale.