Mareykanka oo war farxad leh kasoo saaray xayiraadda hubka ee Soomaaliya saaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa rejo wanaag ka muujisay dadaaladda ay dowladda Soomaaliya ku rabto in looga qaado xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya sanadaha badan.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ku amaanay inay qaadeyso tallaabooyin muhiim ah “si loo daboolo halbeegyada cuna-qabateynta.”

“Waxaan soo dhaweyneynaa horumarka la mahadiyo ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan maareynta hubka iyo kaydka. Wax ka-bedelka lagu sameeyay qaraarka hadda jira ayaa ka tarjumaya horumarkaas iyo aqoonsiga shaqada ay Soomaaliya sii waddo,” ayuu yiri safiirka Mareykanka, Larry Andre.

Sidoo kale safiirka Mareykanka ayaa waxa uu xusay in maaraynta hubka ay xilligaan Soomaaliya ka caawinayso fududaynta shuruudaha Golaha Amaanka ee QM ee qaadista nidaamka cuna-qabataynta saaran dalkeenna.

“Shantii sano ee la soo dhaafay, annaga oo kaashanayna iskaashiga weyn ee aan la leenahay HALO Trust iyo ciidamada Amniga Soomaaliyeed, waxaan meesha ka saarnay 15 tan oo rasaas duugowday, oo aan la isticmaali karin iyo kuwa xasiloon.”

Andre ayaa sheegay in Mareykanka ay weli ka go’an tahay in uu sii wado taageerada Soomaaliya iyo in la xaqiijiyo in ciidamadeeda ay helaan hubka ay u baahan yihiin, si uu uguuleysto dagaalka ay dowladda ku cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab.

“Iskaashigayadu waxa uu tababaray in ka badan 225 shaqaale ah iyo maareynta kaydka si loo hubiyo in tas-hiilaadka looga faa’iidaysto (oo aysan u gelin gacmo qaldan) si badbaado leh oo wax ku ool ah, marka loo eego hababka ugu wanaagsan ee caalamiga ah,” ayuu yiri safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa qeyb ka ahaa shirka sannadlaha ah ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasi oo looga arrinsanayay qaadista xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya.

Shirkaas ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socday beesha caalamka, xubno ka socda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo hoggaamineysay shirkaan.

Sanadkii 1991-kii ayaa Soomaaliya la saaray cuna-qabateyntaan, 32-sano kadib waxay dowladda Soomaaliya si weyn ugu ololeyneysaa in laga qaado, maadaama lasoo dhisay dowlad qaadi karta masuuliyadda xakameynta hubka, sida ay ku doodeyso Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista cuna-qabataynta hubka iyada oo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista cuna-qabataynta hubka.