Sawirro: Imaaraadka oo gadiid dagaal oo aad u badan ka dejiyay Kismaayo + Ujeedka

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa gadiid dagaal oo fara badan kala wareegay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo uu soo bandhigay maamulka.

Jubbaland ayaa shaacisay in gaadiidkan oo ah midkii ugu badnaa ee Imaaraadka uu halmar kasoo dejiyo dalka ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee looga xoreynayo deegaanada maamulkaasi

Deeqda Imaaraadka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa agab ciidan, sida ay shaacisay madaxtooyada dowlad-goboleedka Jubbaland.

“Dowlada Jubaland ayaa dowlada aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ka gudoontay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo kala duwan kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka dib u xoraynta ah ee ay ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo xooga dalka ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Gaadiidkan dagaal ee Imaaraadka uu geeyay maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxaya warar kala duwan oo sheegaya in dowladda Imaaraadka ay gaadiidkan oo ah kii ugu badnaa ee uu halmar keeno dalka ay iyadu adeegsan doonto, halkaasi oo dhawaan ka dhisaneyso saldhiga milateri.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Imaaraadka uu la wareegayo garoonka diyaaradaha, dekedda Kismaayo iyo dhulbaaxad weyn leh oo maamulka Jubbaland ah.

Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa door muhiim ah ka qaadaneysa dhismaha ciidanka, ayada oo saameyntoodii ee gudaha Soomaaliya ay dib usoo laabatay tan iyo wixii ka dambeeyay isbadelkii 15-kii May ka dhacay dalka.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa kal hore gaaray heshiis si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militariga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Heshiiska Imaaraadka ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideeda amniga.

Soomaaliya ayaa marka ay hesho tababar sax ah oo dhanka ciidamada iyo saanad muhiimka u ah ayaa waxay yeelan doonta awood ku filan oo ay uga hortagto khataraha amniga ee gudaha iyo dibadda, sida ay qabaan madaxda dalka.