Mareykanka oo war kasoo saaray shirka Muqdisho uga furmay DF iyo dowlad goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal kooban oo taageero ay ugu muujisay shirka maanta Muqdisho uga furmay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Qoraalka Mareykanka ayaa lagu cadeeyey in kulamada noocaan ah ay guul u hor seedayaan soo kabashada Soomaaliya, isla markaana shirkaan uu yahay mid si dhab ah loogu qeexayo mas’uuliyadaha ka dhex jira DFS iyo dowlad goboleedyada.

“Waxaan soo dhaweyneynaa kulankaan & Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada. Qeexida doorarka & mas’uuliyadaha, ee ka dhex jira DFS & Dowlad Goboleedyada, iyo codsigooda joogtada ah waxay kor u qaadaan xasilloonida, amniga, iyo barwaaqada. Waana guul kale oo laga gaaray soo noolaynta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Axadii maanta ayuu shirkii ugu horeeyey Muqdisho uga furmay golaha wadatashiga qaranka oo la isku yiraahdo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, tan iyo markii lasoo doortay madaxda dowladda federaalka.

Shirkaan ayaa la qorsheeyey in laba maalmood lagu soo koobo, waxaana lagu wadaa in gelinka dambe ee berri lasoo gabagabeeyo, hadii caqabado kale aysan ku imaan.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa maanta soo xaadiray shirka, waxaana goobta ka maqnaa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Muqdisho aan imaan, balse shirka uga qeyb galay aalada Zoomka.

Laba qodob ayaa ilaa hadda la shaaciyey in shirkaan diiradda lagu saarayo, kuwaas oo kala ah, abaaraha dalka ka jira iyo cakdoonka lagu ciribtirayo Al-Shabaab, balse waxaa jiri kara qodobo kale oo madaxda qaar ay miiska soo saari doonaan, si looga doodo ama looga xaliyo.