DF oo shaacisay tirada Al-Shabaab looga dilay kacdoonka socda iyo inta deegaan ee laga saaray

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradda warfaafinta ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku cadeyneyso ugu yaraan 20 deegaan oo ka kala tirsan dhulka seddax dowlad goboleed Al-Shabaab laga xoreeyey todobaadyadii lasoo dhaafay, sidoo kale ugu yaraan 100 dagaalame ayey dowladdu sheegtay in la dilay.

“Ciidamada Qaranka iyo Dadka Deegaanka, oo is kaashanaya ayaa kooxda argagixisada ah ee alshabaab ka xoreeyay in ka badan 20 deegaan oo ku kala yaalla, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed , laguna dilay in ka badan 100 maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan argagixisada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray in howlgallo bilow u ah fulinta aragtida dowladda Soomaaliya ee ku aadan in kooxda Al-Shabaab laga xoreeyo dalka, ay ka socdaan meelo badan oo dalka ka mid ah.

“Kacdoonka dadweyne ee kaashanaya dowladda ee deegaanadaas looga xoreeyay al-Shabab, ayaa ka dhashay markii ay dadweynuhu u dulqaadan waayeen tacadiyada joogtada ah ee dilka iyo xadgudubyada kale ee ay ku hayeen kooxaha argagixisadu bulshada rayidka ah ee deegaanadaas, iyagoo deegaanadaas ka soo abaabulayay weerarada qaraxyada iyo kuwa naf-haligga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ee ku xusan bayaanka dowladda ayaa kala ah:

Gobolka Hiiraan: Beer-gadiid, Bacda, Teedaan, Goobo, Baardheere, Tiroshanle iyo Coomaad.

Galguduud: Cadakibir, Maarsagame, Dhuumoodle iyo Cali-Waliid.

Koonfur Galbeed: Madabuun, Ceel-la-helay, Makiini, Hibaaq-daranle, Iskire, Qanyareey, Boorami, Baaqay iyo Kaayoow.

“Intii ay socdeen hawlgalada,  waxay argagixisadu falal aargoosi ah kula kacday Maati iyo dad  Rayid ah, oo ay isugu dareen afduub, dil iyo birburinta hantida dadweynaha ee noloshooda daruuriga u aheyd,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa bayaankaan lagu cadeeyey in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay shacabka ka dulqaado tacadiyadda Al-Shabaab ee 15-sano jirsaday, “Waxaa dowladda ka go’an in la ciqaabo dambiilayaasha,” ayaa lagu yiri warkaan.

Dawladda ayaa bayaankaan ku bogaadisay Ciidamada Qaranka iyo dadka xaq-u-dirirka ah ee hubka u qaatay in ay diidaan dullaysiga Al-Shabaab, “Hawlagaladdu, waa sii soconayaan,  si joogto ah ayaanan dadka Soomaaliyeed ugu soo gudbin doonnaa hadba halka ay xaaladdu marayso.”