Masar oo FARMAAJO usoo bandhigtay qorshe cusub oo ku saabsan Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Beinjing ee caasimadda Dalka China kulan khaasa ku yeeshay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Masar Cabdifitaax Al-Siisi.

Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wadahadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Xiriirka labada dal, Amniga, Ganacsiga iyo Iskaashi dhab ah oo dhexmara labada dal.

Intaa kadib Madaxweynaha dalka Masar Al-Sisi ayaa dhigiisa Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo usoo bandhigay suuragalnimada in Masar ay dhex dhexaadin ka dhex sameyso Somalia iyo Imaaraadka.

Al-Sisi ayaa la xaqiijiyay in dhigiisa Somalia uu ka dalbaday inuu soo dhaweeyo wadahadalka waxa uuna ballanqaaday in gogosha ay Masar u dhigeyso labada dal.

Illo ka tirsan Villa Somalia ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Masar C/Fataax Al Sisi uu Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo kala hadlay in Masar dhex dhexaadiso Khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay go’aanka dhexdhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay khilaafka u dhaxeeyay Waddamada ku jira Isbaheysiga Golaha Iskaashiga Khaliijka Carabta ee uu hoggaaminayo Sucuudiga iyo dhinaca kale oo Qadar ah.

Illo wareedka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu aqbalay soo jeedinta Masar ee ah in ay gogol u dhigto Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Sidoo kale, dowlada Sacuudiga ayaa qeyb ka noqon doonta wadahadalsiinta Somalia iyo Imaaraadka waxaana xusid mudan in bilihii la soo dhaafay ay soo baxayeen in Dowladda Sucuudiga ay qaadatay doorka dhex dhexaadinta labada dal.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Dowladda Imaaraadka Carabta ay horay shuruud ugu xirtay dib u soo celinta xiriirka rasmiga ah ee Somalia iyo Imaaraadka, waxaana ay shuruudaas ku sheegtay in ay Somalia raali gelin ka bixiso lacagtii ay Bishii April sida aan sharciga aheyn ula wareegtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com