Maxay REER GALBEEDKU u doonayaan inay TURKIGA burburiyaan ka hor 2023?

Waa maxay sababta ay reer galbeedku u doonayaan in ay burburiyaan Turkiga ka hor inta aan la gaarin sanadka 2023?! Waa maxay sababta uu ordogan inta badan uga hadlo sanadka 2023?! Waa maxay sababta ay reer yurub guud ahaan gaar ahaan jarmalka ay cabsi iyo welwel uga qabaan sanadka 2023?!

Kamaal Ataturki oo ahaa madaxwaynihi ugu horreeyey ee turkiga ka dib dhicitaanki khilaafadi cusmaaniyada oo ay reer yurub asaga u adeegsadeen burburinteeda ayaa waxaa laga saxeexay heshiis loogu magac daray lusan 1923 (Treaty of Lausanne) heshiiska wuxuu soconaayay boqol sano, waxa ayna ku beegantahay dhicitaanka heshiiskaas sanadka 2023.

Ingiriiska oo wakiil ka ahaa xulufadiisi ku guuleysatay dagaalki koowaad ee dunida ayaa dajiyey heshiiskaan oo lala galay kamaal ataturki. Qodobada heshiiska waxaa ka mid ahaa:

  1. In meesha laga saaro khilaafada Cusmaaniyada, suldhaanka iyo qoyskiisana Turkiga laga musaafuriyo.
  2. In la soo wareejiyo guud ahaan hantida khilaafada iyo suldhaanka.
  3. In lagu dhawaaqo in ay dowladdu tahay dowlad cilmaaniyad ah oo aan diin shaqo ku lahayn.
  4. In ay mamnuuc tahay in uu Turkiga shidaal la soo baxo. in uu soo degsado kaliya ayaa loo ogolyahay.
  5. In gacanka bosfoor (Bosporus) noqdo marin caalami ah oo uu san turkigu wax lacag ah ka qaadan doomaha maro (gacanka boosfor wuxuu isku xiraa badda madow iyo badda Marmara ilaa iyo badda dhexe), waa gacan u dhigmo gacanka suweys, waxaa kale oo loo yaqaannaa gacanka Istanbul, wuxuuna magaalada istanbuul u qaybiyaa laba dacal, dacalka yurub iyo dacalka eeshiya.

Heshiiskaan wuxuu ku egyahay sanadka 2023 markaas oo uu boqol sano jirsan doono. Hadda ayaad fahmi kartaa sababta uu ordogon ugu celceliyo in 2023 uu dhalan doono turki cusub, oo uu turkiga la soo bixi doono shidaalkiisa, oo la samayn doono gacan biyood cusub oo isku xiri doono badda madow iyo badda Marmara ayada oo la billaabi doono in lacag laga qaado doomaha mari doono marin biyoodkaan aadka muhiimka u ah.

Sax, hadda waxa aad fahamtay sababta ay reer galbeedka dagaalka xun ugu hayaan Turkiga.

WT: Mohamed H. Biikole