Sawirro: Jubbaland oo soo bandhigtay ciidamo cusub

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigay ciidamo ka tirsan Militeriga kuwaa oo u diyaarsan ilaalinta Madaxda uu shirka u furmayo iyo amniga goobta uu shirka ka dhacaayo.

Ciidamadan oo dhawaan loo soo xiray tababar ayaa ka duwan kuwii hore waxaana lasoo sheegayaa in laga soo dhex xulay dhalinyarta deegaanka.

Ciidamada oo aad u farabadan ayaa look ala qoondeeyay ilaalinta Madaxda maamulada iyo amniga xarunta uu shirka ka furmaayo, halka qaarna la geeyay goobaha ay degayaan madaxda.

Ciidamadan ayaa garab ka helaayo ciidamo kale oo iyaguna la sheegay inay difaaca uga horeynayaan ciidamada diyaarsan ee la wareegi doonta amniga madaxda iyo goobaha ay dagayaan.

Saraakiisha Ciidamada Jubbland ee u taliya ciidamada cusub ee amniga intiisa badan la wareegay ayaa sheegay inay diyaariyeen Ciidamo sigaar ah u tababaran kuwaas oo sugi doona amniga madaxda ka qeyb galeysa Shirka.

Sidoo kale, waxa ay sheegen in ciidamadaasi ay waxbadan ka duwan yihiin kuwii hore isla markaana ay heysteen tababaro.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA