Xasan Shiikh oo Muqdisho ku qabanaya kulan xasaasi ah (Yaa lagu casuumay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu magaalada Muqdisho kula kulmo Hogaamiyayaasha Xisbiyada mucaaradka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo qorshihiisa ugu weyn ee imaatinka magaalada Muqdisho uu yahay arrimaha axsaabta mucaaradka ayaa la filayaa in Hogaamiyayaasha xisbiyada uu kala hadlo arrimo ay kamid tahay mideynta Xisbiyada iyo in lagu biiro Xisbi siyaasadeed uu isaga hogaamin doono.

Xisbiyada uu Xasan Sheekh sida gaarka ah u daneynayo ayaa waxaa kamid ah Daljir, Wadajir, Kulan iyo Madasha Horusocod, halka xisbiyada kale uu ku buuxsan doono kuraasta loolanka Siyaasadeed.

Xasan Sheekh, ayaa waxaa arrintaan la daadihinaya Xildhibaano iyo Siyaasiyiin garab u ah, waxaana sidoo kale aad u adag sida uu ku kasban lahaa Siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah madaxa xisbiga Wadajir.

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u koraaya sida uu ku hantin lahaa Xisbiyada Siyaasadeed ee mucaaradka ku ah dowlada Somalia, waxa uuna qorshihiisa cad yahay in mar kale uu u adeegsado helida xilka ugu sareeya dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Imaanshaha Muqdisho ee Xasan Sheekh oo ah xildhibaan sharafeed ayaa waxa uu ku soo aaday xilli 10-ka bishan September lagu wado inuu dib u furmo kalfadhiga Baarlamanka Golaha Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com