Sawirro: Sidee shacabka Muqdisho uga fal celiyeen qaraxii Howl-Wadaag?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa shalay weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxaa xarunta lagu qaaday xili halkaa ay ka soctay howlo kala duwan, waxaana iminka nadiifinta xarunta isku xil qaamay dhalinyarada Gobolka Banaadir.

Boqolaal ka mid ah dhalinyarada ku nool Gobolkan Banaadir ayaa u istaagay dib u nadiifinta Xarunta Maamulka degmada Howl-Wadaag, waxaana nadaafada qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta degmada.

Dhalinyarada Gobolka oo aad uga danqanaaya dhibta ay maleeshiyaadka ku hayaan shacabka iyo goobah dowlada ayaa bilaabey olole nadaafadeed kaa oo saameeyay xitaa Dugsiga Qur’aanka iyo Masjid ku bur buray qaraxa.

Qaar ka mid ah Dhalinyarada ka qeyb qaadaneysay gurmadkaas ayaa waxa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin tallaabada ay ugu gurmanayeen xarunta iyo dadkii ku waxyeeloobay qarixii shalay.

Talaabada ay qaaden dhalinyarada Gobolka Banaadir oo aan cidna ku siineynin xuquuq ayaa Jawaab u ah ficilka gurcan ee maleeshiyadu kula dagaalameyso Shacabka.