Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa si cad u sheegtay in aysan aqbali doonin barakicinta xooggan ee lagu hayo shacabka Falastiin, iyadoo si kulul u cambaareysay duullaanka Israa’iil ku hayso Gaza.
Tallaabadan ayaa timid xilli kumannaan qof oo ku nool magaalada Gaza ay diideen amarro ka yimid Israa’iil oo ku saabsan in ay ka guuraan guryahooda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdelatty ayaa warbaahinta u sheegay in barakicintaasi aan marnaba la aqbali karin, isagoo ku tilmaamay arrin ka dhan ah qadiyadda Falastiin. “Barakaca ma aha ikhtiyaar, waa khad cas oo Masar aysan ogolaan doonin,” ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu sheegay in dadka laga saaro dalkooda ay micnaheedu tahay in la burburiyo halganka iyo jiritaanka Falastiin, ayna arrintaasi tahay mid aan sharci iyo sabab midna loo heli karin.
Hadalka wasiirka ayaa sii adkeynaya mowqifka adag ee Masar sanadkan ka qaadatay dhaqanka Israa’iil, iyadoo mararka qaar la kaashatay dalalka Qatar iyo Maraykanka si ay u fududeeyaan dadaallada xabbad-joojinta dagaalka muddada dheer socday.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku celiyay eedeymaha xasuuqa ee Masar hore ugu jeedisay Israa’iil, isagoo sheegay in dhacdooyinka ka socda dhulka Falastiin ay ka sii fog yihiin wax kasta oo lagu malayn karo.
Dhanka Israa’iil weli jawaab kama aysan bixin hadalka Masar.
Si kastaba, Israa’iil ayaa weli ku adkaysanaysa in Gaza aysan ka wadin xasuuq, balse ay tahay inay xaq u leedahay is-difaac. Hase yeeshee, waxaa weli socda dacwad ka dhan ah oo looga furay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague.

