Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa si adag u beenisay in ay wax lug ah ku leedahay shirqool la doonayay in lagu khaarijiyo Wasiirka Ammaanka Qaranka Israel ee xagjirka ah, Itamar Ben Gvir, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaasi “olole marin-habaab ah.”
War kasoo baxay Xarunta La-dagaallanka Wararka Beenta ah ee Madaxtooyada Turkey ayaa lagu sheegay in eedeymaha loo gudbiyay warbaahinta Israel sidii in ay yihiin kuwo cusub, inkasta oo dhacdooyinkaasi ay dhaceen siddeed bilood ka hor.
Arbacadii, hay’adda amniga gudaha Israel ee Shin Bet ayaa shaacisay in la xiray afar qof oo lala xiriirinayo shirqoolka. Baarayaashu waxay sheegeen in kooxdaasi qorsheynaysay weerar intii lagu jiro xilliga ciidaha Yuhuudda, xilligaas oo ay aaminsanaayeen in Ben Gvir uu ka qayb geli doono cibaado.
Sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Yedioth Ahronoth, mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa dhowr sano ka hor u guuray Turkey, halkaas oo uu xiriir kula sameeyay xubno ka tirsan Hamas. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in “intii uu socday dagaalka Gaza, uu qorsheeyay in Ben Gvir lagu dilo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo hubaysan.”
Warbixinno kale ayaa sheegay in eedeysanayaashu heleen lacag qiyaastii $2,000 ah oo uga timid xiriiradooda Turkey, taas oo ay ku iibsadeen diyaaradaha iyo qalab kale. Booliska ayaa u sheegay Yedioth Ahronoth in kooxdaasi ay iibsadeen laba drone oo nooca DJI ah, ku xireen walxaha qarxa, isla markaana sameeyeen tijaabo guuleysatay oo lagu tuuray qarax.
Warbixinnada ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha lagu fulinayay isku xirnaan uu la lahaa hoggaanka Hamas ee fadhigoodu yahay Turkey. Hase yeeshee, Ankara ayaa mar walba ku adkaysanaysa in ay martigeliso oo keliya hoggaanka siyaasadeed ee Hamas balse aysan siin taageero ciidan.
Sida uu sheegay Yedioth Ahronoth oo soo xiganaya ilo Israeli ah, Turkey waxay xaddideysaa xubnaha Hamas inay joogaan ugu badnaan saddex bilood socdaal kasta. Ilo ka tirsan Hamas ayaa u sheegay warbaahinta in Ankara dejisay sharciyo gaar ah oo lagu maamulo xubnaha Hamas, kuwaas oo haddii la jebiyo sababi kara musaafurin.
Heshiiskii maxaabiista ee 2011-kii lagu sii daayay askarigii Israel ee Gilad Shalit, ayaa Israel ku musaafurisay tobannaan xubnood oo Hamas ah. Qaar ayaa loo diray Gaza ama Daanta Galbeed ee la haysto, halka kuwa kale dibadda loo raray, oo ay ku jirto Turkey.
Xarunta La-dagaallanka Wararka Beenta ah ee Turkey ayaa ku doodday in xogaha lagu faafiyay warbaahinta Israel ay ahaayeen kuwo lagu beegsanayay Ankara si loo wiiqo siyaasaddeeda ku aaddan Falastiin.
Xiisadda u dhexeysa Israel iyo Turkey ayaa sii kordhaysay bilooyinkii la soo dhaafay. Turkey ayaa joojisay ganacsigii Israel sanadkii hore, iyadoo bishii la soo dhaafay ku baaqday in xubinnimada Israel laga hakiyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay sababo la xiriira “xasuuqa Gaza.”
Sidoo kale, Turkey ayaa dhawaan soo rogtay xayiraado dheeraad ah oo lagu bartilmaameedsanayo maraakiibta Israel leedahay ama la xiriira, iyadoo laga hor istaagay inay ku soo xirtaan dekedaha Turkishka.
Tallaabooyinkan dhinaca maraakiibta ayaa daba socday ku dhawaaqistii bishii hore ee Ankara ku shaacisay lix cunaqabatayn oo ka dhan ah Israel, taas oo waafaqsan bayaan ay si wadajir ah u soo saareen dalalka ku mideysan The Hague Group intii lagu guda jiray shir degdeg ah oo Falastiin looga hadlayay oo ka dhacay magaalada Bogota.
Sanadkii hore, Turkey ayaa ku biirtay dacwadda ay South Africa ka gudbisay Israel ee hor taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), taas oo ku eedeysay Israel “xasuuq.”
Tan iyo markaas, Ankara waxay si isa soo taraysa uga faa’iideysanaysay madalaha caalamiga ah si ay u dhisto isbahaysi caalami ah oo ka dhan ah waxa ay ugu yeertay xasuuqa Israel ka waddo Gaza.

