Mashaariicda Qatar iyo dhexdhexaadnimada dowladda Soomaaliya

By Saalax Saciid Sabriye

Dawlad iyo dad kasta oo soo mara gumeysi, duleysi, xukun kali-talis, dagaala sokeeye, burbur bulsho iwm, waxaa ka luma kalsoonida, qabka, isku tashiga iyo dhexdhexaad-nimada, waxeyna door bidaan in ay dawlad kale ama qof kale ku tiirsanaadaan.

Markii gumeysigii reer galbeedku xorriyada siiyey Afrika iyo Asia una dhiseen dawlado yar yar oo daciif ah waxey u sameysteen ururo ay ku xukumaan sida; Golaha ammaanka, UNDP, IMF, World Bank iwm, sidoo kale waxey sameeyeen dawlad-gobaleedyo iyo urur gobaleedyo wakiil ama dalaal uga ah dawladaha yar yar ee gobalkaas oo ay hoos tagaan kadibna kor ka wada heystaan, loomana ogola dhexdhexaad iyo madax-banaani sida; dawladaha;-galbeedka Afika, South Afrika, waqooyi Afrika Algeria iyo Masar, Bariga Afrika IGAD iyo Ethopia, Khalijka Sacuudi iwm.

Dawlada Somaliya markii ay qaadatay go’aanka ah dhexdhexaad-nimo waxaa dad badan oo Somali iyo Ajnabi ah u arkeen in dawladu ay ku qaldantay go’aanka dhexdhexaad-nimada, awoodna aysan u laheyn in ay gaar u istaagto loona baahnaa in ay dawladaha Imaaraatka iyo Sacuudiga ku tiirsanaato. Lkn go’aankaas waxaa ka dhashay faa’iidooyin iyo guulo ka sokow sharaf iyo karaamo, markii laga eego dhinacyo badan sida;

1. Dawladaha waxaa lagu qiimeeyaa laguna ixtiraamaa madax banaanida iyo go’aankooda taageero ama dhexdhexaad-nimo, lkn hadii lagu barto go’aan jilicsan iyo beerka jecli – xaydha jecli lama qiimeeyo wax macno lehna lama siiyo. Tusaale; M. Xasan Sheakh wuxuu raacay Sacuudiga, xiriirkana wuxuu u jaray Iiraan waxaana lagu siiyey 20 Milyan, M. Farmaajo wuxuu diiday go’aankii Sacuudiga iyo xulafadiisa wuxuuna ku helay 50 Milyan.
M. Xasan wuxuu Imaaraatka u sameeyey waxyaabo ka baxsan diplomaasiyada iyo xeerarka caalamiga ah hadana waxey lacag badan ku bixiyeen in ay kursiga ka ridaan, M. Farmaajo isaga oo diiday go’aankoodii ayey hadda gorgortan kula jiraan Imaaraadku.
Qatar waxey gacan ka geysatay doorashadii M. Xasan lkn markii la doortay waxey u diideen hal mashruuc oo magac iyo macno leh in ay bixiso 4tii sano ee uu joogay, M. Farmaajo isaga oo aan toos u taageerin Qatar ayey ogolaadeen Mashaariic ka badan 200 Milyan.

2. Mucaaradka iyo Madaxdii gobalada ee u qaraab tegay Abu dhabi waxey Mashaariicda Qatar ku noqotay dhabar-jab iyo waji-gabax siyaasadeed iyaga oo qiil ka dhigi jiray in dawladu ay mawqifkeedii Khaliijka ku lumisay Mashaariicdii Imaaraadka iyo Sacuudiga, Qatar na aysan waxba ka keenin.
3. Mashaariicda Qatar oo si daah furan loo soo bandhigay halka Mashaariicda Abu dhabi ay ku jirti mugdi, musuq iyo sharci-daro la qariyey, lalana dhuuntay.

4. Mashaariicda Qatar waxey guul iyo fursad u tahay Xukuumada Khayre iyo Shacabka Somaliyeed hadii si daah-furnaan iyo karti leh loo maamulo loona fuliyo.
5. Mashaariicda Qatar waxey dawlada M. Farmaajo iyo dawladaha kadib imaan doona siin-doontaa geesinimo iyo dhiiranaan ay ku qaataan go’aano dhexdhexaad iyo madax banaani ah.
6. Somaliya oo ay u cadaatay in ay ka maarmi-karto dawladaha qaar hadii iyagu ka maarmaan.
7. In Madaxda iyo Siyaasiyiinta Somalida hadii ay isku kalsoonaadaan, dalkooda iyo dadkoodana aaminaan lagu qadarin-doono laguna qiimayn-doono, dawladuhuna ay ku tartami-doonaan mashaariic horumarineed oo hufan, khayraadka dalkooduna ka badanyahay sandareeraha ay ka raadinayaan shisheeyaha.

Hadaba Xukuumadu waxaa laga sugayaa in ay tusaale u noqoto hufnaan karti lagu fuliyo Mashaariicda Qatar iyo kuwa ay furaha u tahay ee soo socda!. Madaxda Maamul gobaleedyaduna in ay gacan ku siiyaan Xukuumada, caqabadna aysan ku noqon, gaar ahaan Hirshabelle iyo Koofurgalbeed, sharafna kala haraan dadkooda, (xalaal harkii ayaa la qashaa)
Guul ayaan u rajeynaynaa in lagu fuliyo Mashaariicda Qatar.

Maxamed Muuse Xuseen