Maxaa ka jiro inuusan Farmaajo soo dhaweyn fiican ka helin caleema saarkii Uhuru?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii labaad ayuu sanadkan safar ku yimid magaallada Nairobi ee caasimadda Kenya. Waxa uu ka qeyb galay caleema-saarka madaxweyne Uhuru Kenyatta oo mar labaad doorteen shacabkiisu.

Sidee loo soo dhaweeyay?

Safaradda noocaan ah, madaxda waxaa si toos ah u casuuma madaxweynaha la doortay. Waxaa loo diyaariyaa soo dhaweyn madaxweyne, laakin qofka garoonka ku qaabilaya waxa uu noqon karaa masuul kasta oo dowladda ka tirsan maaddaama ay madax badan imaanayaan – Shirkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay 2016 wasiiro ayaa soo dhaweeyay madaxdii timid. Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Kenya danjire Aamina Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweynaha ku qaabilay garoonka Diyaaradaha, waxaana loo galbiyay Hoteelkiisa.

Xafladda Caleema-saarka.

Maalintii xigtay ayuu madaxweynuhu ku biiray dhowr iyo toban madxweyne iyo madax xukuumadeed oo lagu casuumay xafladda dhaarinta iyo caleema-saarka madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa.

Mar labaad, gudaha garoonka ciyaaraha ee Kasarani waxaa ku soo dhaweysay sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Kenya Danjire Aamina Maxamed iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaraddeeda. Kaligiis ma ahayne, madaxda kale oo dhan ayay u taagnaayeen goobta si ay u soo dhaweeyaan, uguna galbiyaan goobta loogu talo galay in ay fadhiistaan.

Roogga Gaduudan.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaal lagu sheegay in madaxweynaha aan loo soo dhaweyn sida madaxda kale, oo salaanta kaddib laga leexiyay rooggii gaduudnaa ee ay madaxda kale ku soconayeen. Waxaa lagu tilmaamay arrintaas liidid madaxweynaha loo gaystay iyo arrimo kale.

Arrintaan oo ah tan igu dhalisay inaan qoraalkaan sammeeyo waxaa loo fahmay khalad, sababtuna waa in muuqaalku uu go’ayo marka madaxweynaha iyo haweeneyda Xoghayaha Joogtada ka ah wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay dhinaca midigta ah uga leexdaan roogga fidsan ee madaxdii ka horreysay lagu galbiyay.

Qeybta hoose ee Sawirka waxaa ka muuqda Rooga labaad ee Madaxweynaha loo leexiyay

Haddaba xaggee loo leexiyay?

Fadhiga garoonka ciyaaruhu waxa uu samaysan yahay qeyb qeyb ay jidad in ay dadka maraan loogu talo galay u dhaxeeyaan. Madaxda waxaa la fadhiisiyay qeyb ay labada dhinac ka maraan laba jid oo ay mari karaan daawadayaasha ama madaxdu.

Haddii aad daawatay muuqaalka laga duubay xafladda amaba sida tooska ah loo baahiyay Madaxweynaheenu gees ayuu u xigay dhammaan madaxda qeybtaas fadhisay. Waxa uuna u dhawaa jidka qeybtaa ka mara dhinaca loo leexiyay.

Haddaba, si madaxweynahu uusan u hormarin in ka badan 10 madaxweyne oo fadhiya-halkaas oo ciriiri nooqn karta, maamuus ahaana lana fiican yahay, amaba ay ku dhibtoodeen madaxdii hore ee jidkaas martay, ayaa madaxweynaha loo leexiyay waddada kale oo firaaqo ah, madax kalena uusan horumaraynin- Arrintaani waa shaqada kooxda hab-maamuuska Kenya.

Muuqaalka ay madaxtooyada Soomaaliya ku baahisay boggeeda waxaa ka muuqanaya in roog gaduudan uu lahaa jidka loo leexiyay madaxweynaha si uu uga koro jaranjarada kuraasta loo diyaariyay – waa haddii aad liidid u aragtid roog la’aantee.

Madax kale ma is-arkeen?

Safarka madaxweynaha kuma jirin qorshe uu kula kulmayo madaxda ka soo qeyb galaysa caleema-saarka, sidaa darteed, marka laga reebo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu madaxweyne Farmaajo ku salaamay meel uu fadhiyay oo uu ku maray, ma jirin madax kale oo uu la shiray ama shir gaar ah oo aan xafladda caleema-saarka ahayn oo uu ka qeyb galay.

Madaxweynaha oo Rooggii loo leexiyay galaya, si uu fadhigiisa u tago

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com