Wasiirkii labaad oo iska casilay xukuumada uu dhisay Waare

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa iscasilaad ku dhawaaqay Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Dhaqancelinta maamulka Hirshabeelle Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec oo xilkaas loo magacaabay maalin un ka hor.

Wasiiru Dowlaha Amniga ee iscasilay ayaa sheegay in sababta iscasilaadiisa ay tahay mid ka danbeysay qanaaco la’aan xilka loo magacaabay.

Muxsin Muxumed, waxa uu sheegay inuusan ahmiyad u arag xilka uu iska casilay, balse uu yahay mid eegaaya raali ahaanshiyaha beesha uu kasoo jeedo ee uu u matalaayo xilka.

Muxsin Muxumed, waxa uu tilmaamay in looga baxay ballanka isla markaana uu cadeynaayo inuusan ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay ee uu iska casilay.

Sidoo kale, waxaa maalintii Arbacada ee la magacaabay Wasiirada maamulka durba casilaad ku dhawaaqay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Hirshabeelle Ismaaciil Maxamed Culusow, ka dib markii uu sheegay inaanan lagala tashan xilkaasi.

Hogaamiyaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Arbacadii lasoo dhaafay magacaabay 57 xubnood oo ka kooban Golihiisa Wasiirada, Wasaaradaha uu soo dhisay Waare waxaa ku jirin Wasaaradda Haweenka.

Geesta kale, waxaa suuragal ah inay iscasilaan Wasiiro kale oo iyaguna aad u dhaliilsan xilalka loo magacaabay, waxaana magaalada Jowhar ka socda shirar u dhexeeya beelaha lasiiyay Wasiirada aysan ku qancin.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com