Mas’uul ka tirsan maamulka Degmada Xamarweyne iyo nin la socday oo goordhow la dilay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu dilay Abdi Fagaase oo ahaa gudoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Xamarweyne.

Guddoomiye Waaxeed Fagaase, ayaa waxaa toogasho ku dilay laba maleeshiyo oo la sheegay inay ku hubeysnaayen bastoolado kuwaa oo qeybaha sare ee jirka uga dhuftay dhowr xabadood.

Dilka Fagaase, ayaa ka dhacay afaafka hore ee waaxda, waxaana dilka kadib halkaa ka baxsaday maleeshiyada dilka geysatay.

Guddoomiye Marxuum Fagaase oo aad looga wada garanaayay Degmada Xamarweyne ayaa waxaa lala toogtay wiil dhalinyaro ah oo ay wada socdeen.

Wiilka lala dilay Fagaase ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed, waxaana la sheegay in isna laga toogtay qeybaha sare ee jirka.

Dilka gudoomiye Fagaase iyo Axmed ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay kusii kordhayaan dilalka iyo Qaraxyada loo adeegsanaaya ismiidaaminta iyo kuwa gaadiidka lagu xiro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com