Muuse Biixi oo ka carooday Khilaafka BFS & Dacwada ay DF ka gudbisay Somaliland iyo DP World

Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dacwadii dowladda Federalka ah ee Somalia u gudbisay QM kaas oo ku aadanaa heshiiskii Shirkada DP World ay Somaliland kula gashay Dekada Magaalada Berbera.

Biixi, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Somalia aysan dacweyn DP World hase ahaatee dacwada ay aheyd mid gabi ahaan kusoo uruurtay Somaliland.

Muuse Biixi, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in Somaliland lagu yiraahdo maxaad heshiiskaas ula gasheyn Shirkada DP World.

Madaxweyne Biixi ayaa meesha ka saaray suurta galnimada Dacwadaas, isagoona sheegay inaan waxba ka soo naasa cadaaneynin Dacwada loo gudbiyay Qaramada Midoobey.

Muuse Biixi, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ka badin la’ dahay teeda isla markaana haatan yihiin kuwo u kala qeybsan Baydhabo, Garoowe, Banaadir, Dhuusamareeb, isla markaana ay shaaciyan in Somaliland ay dusha ka xukumaan.

Waxaa uu sheegay in Somaliland 20 sano ee lasoo dhaafay ku jirtay horumar, islamarkaana aysan suurtagal aheyn ay hoos fadhiisato dowlada Soomaaliya oo wali burbursan.

Intaa kadib Muuse Biixi, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ka dhamaan la’ dahay Khilaaf iyo Mooshin aan mirro dhal laheyn waxa uuna tilmaamay in xiligaan baarlamaanka Somalia uu Khilaafka xoogan udhexeeyo, kaasoo ka dhashay Mooshinkii Jawaari laga keenay 14-Kii Bishan.

Biixi ayaa sheegay in Xildhibaanada ku sigteen iney isu gacan qaadan Mooshinka maadaama uu Khilaaf soo Kala dhex galay.

Sidoo kale, Wadahadaladii udhexeeyay Somaliand iyo Somaliya, ayuu sheegay iney hakad ugu jiraan weerar qaawan oo uu sheegay in dhankooda lagu soo qaaday, Isagoona talo ahaan soo jeediyay in Dowladda Dhexe ka waantowdo faragalinta ay ku heyso Somalialnd.

Haddalka Biixi, ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu Xalay xili danbe ku baxay xal uhelista Khilaafka Golaha Shacabka, Wuxuuna ka dhaadhiciyo Gudoonka Baarlamaanka iney maanta Baajiyaan Kulankii Golaha Shacabka oo laba ajende kala watay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com