Mas’uul ka tirsan PUNTLAND oo toogasho lagu dilay iyo wararkii ugu dambeeyey

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo loogu geystay mas’uul ka tirsanaa Puntland.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinuur Maxamed Cabdulle, waxaana la sheegay inuu ka tirsanaa waaxda dhulka dowladda hoose ee waqooyiga Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysnaa bistoolado ay toogasho ku dileen marxuumka, xilli uu ku sugnaa xaafadda Garsoor ee magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey toogashada ay goobta isaga baxsadeen falka, kadib waxaana  meesha gaaray ciidamada ammaanka.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana ay shaacisay in marxuum Cabdinuur uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland.

Illaa iyo hadda wax faah faahin ah kama soo bixin dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan toogashadaasi.

Si kastaba maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalooyinka waa weyn ee Puntland, sida Gaalkacyo iyo Boosaaso ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo dilal u badan.