MAS’UUL xil sare u hayey Puntland oo baxsaday iyo xariggiisa oo la amray..!!

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa daboolka ka qaaday inay sharciga la tiigsan doonaan xisaabiyihi gobolka Mudug oo baxsaday.

Amar kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa hay’adaha amaanka lagu amray in lasoo xiro xisaabiyihi Wasaaradda maaliyadda gobolka Mudug oo baxsaday.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in xisaabiyaha uu ka baxsaday dhammaan deegaanada maamulka Puntland ka dib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa maanta Warbaahinta u sheegay in uu ciidamada Ammaanka ay soo qabtaan ninkaasi.

Sidoo kale, Xisaabiyihii gobolka Mudug  Barqadle Aadan Muuse ayaa horay ugu dhawaaqay inuu iscasilay ka dib markii uu eedeyn u jeediyay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Dhinaca kale, Puntland ayaa ku eedeeysay in uu lunsaday lacago ku jiray qasnada maaliyadda gobolka Mudug.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com